Baarlamaanka Soomaliya oo Meel Mariyay Xisaab Xirkii Sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii

Posted Date: 13 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Kulankaan ayaa waxa ay mudanayaasha Golaha shacabka codugu qaadeen Xisaab Xirka 2015-kii, waxaa ogolaatay 142 Mudane , iyadoo ay diideen 11 mudane sidoo kale waxaa ka aamusay 3 mudane,sidaas ayuuna ku ansaxay xisaab xirka 2015-kii.

Sidas si la mid ah mudanayaasha golaha waxay cod u qaadeen Xisaab xirka 2016, waxaa ogolaaday 141 , waxaa diiday 12 mudane , waxaa ka aamusay 3 mudane sidaas ayuu ku meel maray xisaab xirka 2016-Kii.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada golaha Shacabka sida ay u ansixiyeen xisaab xirka Sanadihii 2015 iyo 2016-kii.

Dhinaca kale waxay mudanayaasha cod u qaadeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxbanaan la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaa ogolaaday 141 mudane, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay.

Allidamaale