Bad-Baadinta Doontii Boosaaso ku Xumaatay oo ka socoto Bada

Posted Date: 10 Feb 2018   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Magaalada Boosaaso waxaa ka socota Badbaadinta Doon u rarnayd Ganacsato Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer Puntland taasoo todobaadkii hore xumaatay.

Gudiga ku hawlan Bad-Baadinta Hantida saaran Doontani Mudane Shiikh Fu,aad Maxamuud Xaaji ayaa sheegay inay shaqaynayaan Dawlada iyo Shacabka oo iskaashanaya Muddo 3 Barri ahna ay wadaan Shaqadan.

Shiikh Fu,aad ayaa sheegay in hada loojiro Doonta in ka badan 200Metir ayna ku hawlanyihiin Gadiidka iyo Enjenaradii dhan ay shaqaynayaan ayna Rajo wanaagsan ka muujinayaan sidii loo bad baadin lahaa Doonta hantida Saaran.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ku qabaan inay bad baadiyaan dhamaan agabyada saaran doontan oo ay u badan Gadiid iyo shixnado kaladuwan.

Allidamaale