Bananbax lagu Tageerayeey Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo oo Gobalka Mudug lagu qabtay (Sawiro)

Posted Date: 12 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Deegaanka cagaaran oo ka tirsan dagmada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dibad bax balaaran oo lagu soo dhaweeynayo doorashada madaxweyne Farmaajo oo noqday madaxwayneha Jamhuuriyada federaalka somaliya.

Shacabka cagaaran ayaa isugu soo baxay laamiga dheer ee dhaxmara deegaanka iyagoo muujinayay dareenkooda ku aadan guushii Madaxwayne Farmaajo.

Qaybo kamida shacabka oo ka hadlay dareenkooda ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridii madaxweynihii hore ee Puntland Ganaraal Cade Muuse Xirsi

Taniyo Doorashii madaxwayne Farmaajo waxaa isa soo taraya damaashaadka iyo dibadbaxyada ka dhacaya deegaanada hoos yimaada dagmada Galkacyo ee gobolka mudug ee Puntland

Allidamaale