Barlamaanka Somaliland oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay

Posted Date: 12 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyay heshiiskii Imaaraadka Carabta ee dhigayay in saldhig milateri inay ka furato magaalada Berbera.

Fadhigii Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa hareeyay buuq iyo qas, taasoo keentay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka in dibadda loo saaro.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo markii hore isugu yeeray Xildhibaanada Gole ayaa hor-geeyay heshiiska, hase ahaatee markii uu codsaday in Wasiirada wax laga weydiiyo, lagana dhageysto nuqulada uu ka koobnaa heshiiska ayaa waxaa bilowday buuq iyo sawaxan.

Intaas kaddib ayaa Madaxweynaha Somaliland ka tagay fadhiga, waxaana markii Wasiirada isku dayeen inay hadlaan waxaa sii xoogeystay buuqa, iyadoo markii dambe ciidamada booliska ay xoog ku saareen Xildhibaanadii is hor-taaga iyo buuqa waday.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cirro ayaa isaga baxay fadhiga, markii inta badna Xildhibaanada mucaaradka xoog looga saaro gudaha baarlamaanka.

144 Xildhibaan ayaa u codeeyay, heshiiska Imaaradka Carabta, halka 1 xildhibaan uu diiday, waxaa fadhiga joogay 147 Xildhibaan.

Allidamaale