Berlusconi oo 3 sano xabsi lagu xukumay, kadib markuu laaluush bixiyay

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,World     0 Comments

Maxkamada dalka Talyaaniga ayaa Ra’isalwasaarihii hore ee dalkaasi Silvio Berlusconi Arbacadii lasoo dhaafay ku xukuntay sadex sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah musuq maaasuq yo lacag laaluusha ah oo uu siiyey Xildhibaan ka tirsan golaha Odayaasha (Senate-ka) Baarlamaanka Talyaaniga sanadkii 2008.

Silvio Berlusconi waxaa lagu eedeeya inuu siiyay Xildhibaanka lagu magacaabo Sergio de Gregorio ka tirsan golaha Senate-ka lacag gaareysa 3 milyan oo yuro (Euro) xiligaas oo lasheegay in xukuumadii markas talada heysay uu ka tuuray Ra’isalwasaare Romano Prodi, kadib markuu gatay Xildhibaankaasi oo xiligaasi isaga baxay xisbiga talada hayey, kadibna ku biiray garabka Berlusconi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7