Bookh oo ay raagtay in gobol loo magacaabo!

Posted Date: 21 Jan 2015   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

Bookh waa mid kamida degmooyinka ugu faca weyn kililka 5-aad ee ismaamulka Soomaalid ee Itoobiya waana degmada ugu soo xigta dhanka bariga wadanka waxaana hoos yimaada in kabadan 74 qabalo ayna ku noolyahiin dad aad u fara badan oo kala duduwan guud ahaan waxaa la qiyaasaa in degmada iyo dhulka hoosyimaada ay ku nool yahiin in ka badan 2 million oo qof.

Bookh3
Degmada Bookh wax ay 15 –kii sanno ee ugu dambaysay hormaro fara badan ka samaysay dhinacyada maamuka, waxbarashada, caafimaadka, isgaarsiinta, dhismayaasha iyo dhammaan adeegyada bulashada ee daruurigaa sida biyaha iyo korantada.

Bookh1
Dhanka maamulka waxaa degmada ka howl gala dhammaan xaafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee ka howl gala degmo kasta oo wadanka ka mida waxaana ku yaal xarumo lagu arruuriyo canshuurta(Customs) sal dhig booliis, xabsi heer caalami ah u dhisan iyo maxkamad lagu qaado dacwadaha kala duwan dadka deegaankuna waa dad wanaagsan oo canshuurtana bixiya una hogaansan amarada ka soo fula maamulka degmada dhammaan heerarkooda kala duduwan.

Bookh4
Dhinacyada waxbarashada iyo caafimaad waxaa degmada Bookh ku yaal isbitaal weyn oo ay u dhamaystirantahay noocyada daawada ayna gacanta ku hayaan dowlada itoobiya iyo hay’ado caafimaad, iyadoona ay jirto yaraan dhanka dhakhaatiirta ah sidoo kalana waxaa degmada ku yaal xarumo caafimaad oo si gaara loo leeyahay, Laakiin dhinaca wax barashada ayaa degmada waxay ka gaadhay muddooyinkaan danbe hormar aan inaba caadi ahay iyadoona degmada laga helo wax barashada heerarkeeda kala duduwan sida hoose, dhaxe iyo sarre ardad wax kar bartaana degmada waxa ay kor u dhaafayaan 120,000 oo arday kuna kalja heerarka kala duwan ee waxbarashada. Waxaana xusid mudan in degmada Bookh dhawaan laga hir galiyey khadka telephone ka gacanta halka awal dhaadku isticmaali jereen landline ay dowladu gacanta ku haysay iyo taarar aan dadka sida gaarka ah raba inay u sheekaystaan aysan isticmaali Karin.

Bookh2
Dhismayaasha Bookh waayadaan dambe waxaa laga dareemayaa hormar baaxad weyn waxaana hadda dhammaan guryaha bookh laga dhisaa dhagax halka waagii horre laga dhigi jiray sarab ama qori duur, taasina waxa ay noqotay in bilicda guud ee degmada noqoto mid sarraysa, dadkuna marka ay yimaadaan noqdaan kuwo ku mashquula hormarka ballaaran ee degmatu ku tilaabsatay muddada kooban. Waxaana intaa u dheer in guri walba uu ku beeran yahay geed nooc harsiga ah taasina ay magaalada ka dhigtay mid cagaara bilic sarrane leh, roobkuna ka da’o mar walba jawigeedu fiican yahay, iyadoona awalba ku taalay dhul cimilo fiican, in lagu noolaadane ku macaan.

Wax kasta oo bookh ka qabsoomayna waxa gacan ka geystay hormuudna u ahaa dadka deegaanka oo ah dad wanaagsan soo dhaweyn iyo la noolashaana leh, ayna intaa u dheedhahay jeclay an laqiyaasi Karin iyo ihtimaam xad dhaafa oo ay amaanka u hayaan, iyagooni si hagar la’aana ula shaqeeya dowlada waxaana xusid mudan in degmada Bookh ay koobka ku qaaday inaysan waligeed ka qayb noqon wax amaanka guud wax u dhimaya iyo ka qayb qaadashada iyo gacan siinta jabhadaha hubaysan waxaana lagu qeexi karaa dadkeeda inay yahiim muwaadiniin dhab ah oo jecel wadankooda oo ammaana hormarna samaynaya.

Xiligan la jooga Bookh waxa ay ka weynaatay heerkii degmada waxayna xaq u leedahay in loo magacaabo Gobol buuxa waayo, waxa ay buuxisay mar horre sifooyinkii laga rabay in gobol degmadu ugu gudubto, hadday ahaan lahay dhan walbaba, waxaana la gudboon madaxda iyo cidkasta oo gacan ka gaysankarta heerkay rabaan ha ka joogaane wadanka itoobiya inay darsaan xaalka Bookh si xaqana u fiirshaan xaaladeeda kadibna u magacaabaan waxa ay u qalmato oo ah gobol.

Allidamaale