Boosaaso oo laga dhagax dhigay Saldhig Boolis casri ah oo an horey loo arag (Sawiro)

Posted Date: 14 May 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Duqa degmadda Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa shalay magaalada Bosaso ka dhagax dhigay Dhismayaal Labo labo dabaq ka kooban oo loo dhisayo Ciidamada Booliiska gobolka Bari ee Puntland.

Saldhiga bartamaha Boosaaso oo dowladihii hore ee Siyaad bare dhistay ayaa la duminayaa, waxaana lagu bedelayaa labo dhisme oo dabaqyo ah oo casri ah loo dhisayo, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasay ilaa Hal milyan oo dollar, mashruucan ayaa waxaa wada fulinaya Sanduuqa Xasilinta Soomaliya ee SSF iyo dowladda Hoose ee Boosaaso, waxaana dhisaya shirkadda dhismaha ee JIBCON.

Duqa Bosaso, wuxuu tilmaamay in mashruucan u yahay qayb kamid ah hormarka magalada ayna markasta diyaar u yihiin ka shaqaynta bilicda iyo amniga magalada ganacsiga Bosaso oo u sheegay inay tahay magaalada ugu muhiimsan Puntland.

Mashruucan waxaa kaloo ku jiro qalabayn iyo casriyayn lagu samaynayo xafiisyadda Saldhiga, iyadoo la dhigayo Computero, Qalab xafiiseedyo ay ku shaqeeyaan booliisku, Sidoo kale, qolalka lagu xiro dambiilayaasha ama eedaysanayaasha ayaa si casri ah loo dhisayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale