Boqortooyadii Dhurwaaga- Sheeko. Qaybtii 2aad

Posted Date: 18 Aug 2014   in: Madadaalo     0 Comments

Marka ay dabaysha gayrahu soo dhacday, fiid danbana ay tahay ayaa Diiriye hooyadi Dayaxo walwal daran muujisay. Markaas ayaa odaygii reerku dhalinyaro geel soo dheelmisay daal badanina hayo u diray wiilkii maqnaa oo yari: “war wiilkii Diiriye ahaa lama hayee ordayoo raadsha maanta galabnimadii baana cid ugu war danbaysaye”. Ayagii hadday hadba kaymahii dhan ugu dhaqaaqen in badana u dhawaaqeen, waa arki wayeen meel uu jaan iyo cirib dhigay.  Habeenkaas cid kastoo raadin kartay waxa loo baxay in isagii iyo baraarkiiba la soo helo. Nasiib darro se waxaa la helay goor habeen barkii ah baraarkii oo in badan dawaco laysay gaag yar oo ka soo haray.

Diiriye markaas socod dheerayn leh buu ku jiraa. Baqdin aan la cabbiri karin baa haysa. Waxa uu socdaba, wax uu hadba geed ka leexdaba, waxay qodax mudaba, dan iyo heello kama lahan oo waxa uu raadinayaa garana la’ yahay gurigoodii jiho uu u abbaaro. Haatan baraar raadin hawli waa dhaaftay oo isaga laftiisa baaba anbad ah. Goor habeenku laba isku rogay ayaa waxaa bilaamay inuu soo hooro roob dhaxan wata qabow. Markaas buu waxuu eegtay meel uu ka jirsado dhibcaha roobka. Waxa uu arkay meel taag ah oo god afwayn leh ka soo jeedo. Kolkaas buu abbaaray dhankiisii oo istaagay meel u dhow, haddii uu fiirshey waxba waa ka arki waayey, haddana wuu ku sii dhawaaday isagoo doorbidaya inuu roobka ka jirsado. Haddiise uu xoogaa istaagsanaa godka afkiisa roob kiina sii badanaayo waxa meeshii soo abbaaray dhurwaayo raxana oo isla socda, marka uu arkay ayuu is yiri meesha ka carar laakiin uma suurtoobin oo dhan walba waa ka xigsadeen, markaasayna ku soo dhawaadeen ilaa ay dhanka gudaha soo gasheen godkii.

Xaaladdaas uu ku jiro Diirye baqdin arrinkiisu waa dhaaftay oo waxa uu joogaa naf ka samrid. Dhurwaayadii waa ku soo sikanayaan marba marka ka danbaysa, isna dib buu u sii baxayaa. Haddii uu xoogaa gudaha galay waxa uu dareemay in godku wayn yahay. Laakiin, bariiqsigii yaraa oo dibada laga arkaayey la ma arkaayo, meel kastana waxa daadsan lafo, tilaabo haddii la qaadana waxa isku dhacaya lafaha oo sharqan baa yeeraysa.

ma qaylin karo oo hadalba kama soo baxayo, oohin warkeeda daah. Haddii uu xoogaa joogay dhurwaagi waxa uu bilaabay inuu codad kala duwan yeeriyo waana uu soo batay. Isagii waxa uu joogaa meel afeefka hore ee godka u dhow, meel gees ah buuna maciin bidayaa oo isku dhajinayaa.Meesha godkaa waxay saldhig u tahay boqortooyo dhurwaagu leeyahay oo gayigaas ka dhisan. Waxaana deganba boqorka dhurwayada, habeen kaasna waxa uuba meesha ku lahaa shirwayn oo ay ka soo qayb galeen dhamaan dhurwaayada deeganka ka dhawaa.

Qoraaga: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan (Darwiish)

Email: abdulkadirone@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7