Boqortooyadii Dhurwaaga (Sheeko) Qaybtii 3aad

Posted Date: 20 Aug 2014   in: Madadaalo     0 Comments

Kolka roobkii joogsaday waxa ay dhamaantood soo tubteen afaafka hore ee godka markaas baa xayn kalana ka soo baxday godkii boqorkiina uu ku jiro. Xilligaas Diiriye waxa uu ku jiraa godka, waana dareemayaa in bahalo ka baxayaan balse in lagu jiro ma garan karo waayo mugdigiisa haddii indhaha faraha lagaa galinayo ma ogaan kartid. Si saamiyana uma fadhiyo. Istaagna maba awoodo, jiif isaga warkiisaba daah. Habeen kaasna waxuu u ahaa mid dheer. Laakiin, waxa uu maqlaayay codadka dhurwaaga oo godka dibadiisa ka yeeraya. Kaddib wada hadal iyo doodo arrimo badan quseeya oo dhexmaray dhurwaaga goor ay waabarigii ku dhowdahay buu soo idlaaday shirkoodii. Dhanka wiilka yarna oo gacantooda ku jira faal ay dhigteen waxa ay ku arkeen in haddii ay cunaan in masiibo ku dhici doonto, kulligoodna uu wada haleeli doono cudur laaya. Waxa ay isku afgarteen inaan la taaban lana koriyo ayagana uu ka mid ahaado.

Diiriye dhurwaa hada ka hor ma arag. Hase yeeshee, waxa uu ku maqlijiray sheekoyin looga sheekayn jiray xilliga cawayska xoolaha marka la soo xareeyo kaddib. Marka waagii baryeyna waxa soo galay godkii koox dhurwaayaa boqorkiina ku jiro iyo xayn adeegayaashiisa ah, waxa ayna soo ag istaagen meel Diiriye u dhow, oo wada hadleen. Markaas Diiriye waxa uu is leeyahay goormay bahaladaan ku cunayaan, balse ayagu waxay ka dheehanayaan dushiisa diihaal iyo gaajo daran oo ka muuqanaysa; waxa la siin lahaana waa is waydiinayaan, waayo waa aadame hilibka cayriin oo ay cunayaan ma yaqaan, hilibna cayriin ku cuni karimaayo haatan. Hadii cabbaar la joogay boqorkii baa inta hadlay waxa uu amray mid kamida adeegayaashiisa inuu wiilka u kaxeeyo qayb kamida godka oo ay saadka dhigtaan, laakiin waxay hawli ka taal sida loogu sheegayo yarka!

Adeegihii amarka la siiyey waa qaatay, waxa uuna u soo dhaqaaqay dhanka Diiriye, markaas isna dib buu u sii durkayaa oo inta istaag isyiri buu orod  maagay. Laakiin waxa uu ku kufay lafo tira badan oo meesha daadsanaa. Kac haddii uu isyirine mar kale waaba awoodi kari waayey, markii uu soo dul istaagay dhurwaagii Diiriye in cabaarana dul taagan yahay waxa uu dareemay inuusan dhib la maaganayn. Markaas, Diiriye waxaa ka soo baxaya neef aad u waa wayn. Dhidid buurbuur badana waxa uu gaasheeyey dhammaan jirkiisa oo dhan.

Haddii halkaas xaalad marayso waxa uu madaxa dhowr jeer dhurwaagii ku leexshey meel halkaas ah oo kaleexsan meeshay joogeen markaasna u dhaqaaqay.

 

Qoraaga: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan (Darwiish)

Email: abdulkadirone@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7