BOQORTOOYADII DHURWAAGA(Sheeko) Qaybtii.1aad

Posted Date: 16 Aug 2014   in: Madadaalo     0 Comments

Xilliga lagu jiray waxuu ahaa gu’ga dabayaaqadiisii. Reerkuna waxa uu yaalay goob xas ah dhexdeed oo meel kasta waxa uga xeersanaa kaymo waawayn oo saa meel kaaga dheer aan waxba laga arkaynin. Ayaantaas waxaa da’ay roobkii gu’ga inihii ugu danbeeyey, reerka oo Illaahay xoolo ku mannaystay waxa u dhalay tiro arigii u xaraysnaaya, in kalena waa laga raja qabay inuu u dhali doono. Hase yeeshee waxa ay howli ka taagnayd qool xirka maqasha iyo xero usoo aruurinta baraarka waawayn xilliga gabbal gaabka ah. Dadka ciidanka ah inta badan waxay ahaayeen kuray waxayna ka tirsanaayeen xerada geela oo meel saas u fog aan u jirin guriga.

Waxaase howsha maqasha in ta badan loo diri jiray Diiriye oo ahaa siddeed jir reerkana gacanyare u ahaa. Waxaase raaci jirtay walaashi Dahabo oo labo gu’ ka yarayd da’ ahaan. Waalidiintooduna labadooda bay inta isku daraan dhihi jireen: “ordayoo maqasha isku soo duwa”. Iyadoo ay sidaa arrimuhu u socdaan ayaa maalin maalmaha kamida waxaa goosmay baraarkii qayb badan oo kamida. Diiriye waxa uu dareemay maqnaanshahooda gabbal gaab cadceeddu baalka godka la gashey. Ayaantas walashiisii yarta ahayd waa ka soo tagay oo lama socoto, waxaase soo waajahday cabsi daran oo uu ka qabo aabbihi Dalmar oo ahaa nin qaylo badan oo kulul, haddii la dhahana baraarkii caawa qayb baan soo xeroon dhagay far baa ka dhacaysa.

Diiriye inta uu baraarkii xerada keenay intii gacantiisa ku jirtay ayuu u laabtay doonista intii goosantay. Hase ahaatee, isla markiiba qorraxdii waa dhacday, waana gudcur cirka daruuro culus isku gidaameen, wax iftiinana ma wato.

Dhulkana aqoon buuran uma uu lahan. Baqdin darani waa haysaa. Laakiin, waxa haatan ugu daran tan uu ka qabo aabbihi, haddii uu xoogaa socday wax baraara waa arki waayey. Markaas buu go’aan saday in uu gurigoodii u laabto, balse waxa uu garan waayey dhan uu kajiro.

 

Waxa uu bilaabay hadba inuu afka meel saaro, dhulka meel bannaan ma leh oo an ka ahayn wadiiqoyin yar yar ama in laamo laga hoos dus duso mooyee. Diiriye xaafadoodi tuhun baa galay goorta la gaaray fiidkii oo waxaa la dareemay maqnaanshahiisa iyo baraarkii oo qaybi maqantahay. Waxaase lafishay in uu imaanayo amaba uu soo dhowyahay.

 

 

Qoraaga: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan(Darwiish)

Email: abdulkadirone@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7