BOQORTOOYADII DHURWAAGA(Sheeko) – Qaybtii. 4aad

Posted Date: 25 Aug 2014   in: Madadaalo     0 Comments

Diiriyane waxa uu dareemay in uu leeyahay halkaan kaalay. Laakiin, waa awoodi waayey inuu u dhaqaaqo oo baqdin tii ugu dar-nayd baa haysa. Markaas mar labaad buu soo dul istaagay oo sidii oo kale madaxa ugu tilmaamay meeshii oo haddana u dhaqaaqay. Diiriye markaas waxa uu dareemay sidii oo kale in loo yeerayo, isaga oo gurguuranaya buuna soo aaday meeshii.

Haddii uu u soo dhawaaday waxa uu arkay meeshu inay yaalaan hilbo sidoo kalana ay leedahay biyo tartiib u maraaya oo waxa ku yaal il biyo ah. Markaas buu inta u soo dheereeyay bilaabay inuu cabo biyihii. Hadda waa ka ba’ay oon kii laakiin, waxaa wali haya gaajo daran.

Hase ahaatee, looga daran oo waxa uu wali ka fiigsan yahay bahallada uu la joogo. Foolxumo daran baa uga muuqanaysa, waayo waxu waa dhurwaa, dibada uma bixi karo oo waxa iridka saran ilaalo xooggan, waxaana fadhiyaba dhurwaa aad u hilboon dhogortiisuna bayl cad tahay. Cunto aadame meesha ma taal. Labo malmood haddii uu meeshii ku jiro biyo maahane uusan wax kale taaban ayaa galab gaab iyada oo ay tahay waxaa la keenay ugaar dhowr xabbo ah oo la soo dilay. Loona keenay boqorka iyo ilaaladiisa oo aan goobta ka bixin xiliyo kooban maahane. Ayagii waa isu soo urureen say u cunaan hilibka loo keenay, boqorkiina labo gaar ah baa meel loo dhigay, markaas buu amray in la siiyo yarka la jooga beerka ugaarta. Isagii halkaan meel ah buu fadhiyaa, waxa uuna dareemayaa cidlo iyo cabsi, murugo daran baa haysa, waxaase uu ku bakaday caddad beer ah oo lagu soo ag tuuray, waa cayriin ciidana lagama dhowrayo, isagase waxaa haysa gaajo daran. Hadday xoogaa agyaaleen waxa uu sooqaday mid kamida oo ku bilaabay cunid. Inkastoo uu yahay beer oo waa jilicsan yahay, hadana waa cayriin oo waxa uu leeyahay dhiig. Hasa ahaatee, waxaa soo dhan waxa uga daran gaajada haysa.

Ayaamo haddii la joogay Diiriyana ku jiro bohoshii dhurwaayadii uu u galay, waxaa ka ba’aday baqdintii faraha badanayd oo haysay. Waxa uuna bilaabay cunida hilibkii cayriinka ahaa, balse waxa cajiiba inuu awooday barashada afkooda oo u la hadli karaba. Laakiin marnaba looma ogolaan inuu dibada u baxo oo waxa isaga la sii saaray ilaalo u gaara. Haddiise, muddo la joogay waa koray Diiriye waxa uuna si fiican u sii bartay afkii dhurwaaga. Markaas waxa loo bilaabay tababar ku aadan qaraabashada, waxa lagu daray xayn kaloo dhurwaayaa oo qaybi isaga ilaalo ka hayso, kuwo kalana barayaan sida xoolaha loo qaado. Kolka ayaamo sidaa lagu waday bannaankana loo soo saaray waxa ay arkeen dhurwaayadii inaanu ku jirin hiyi tagitaan.

Markaas waxii ka danbeeyey waxa ay bilaabeen in kaligi ay diraan mar mar, waxase layaab ku noqotay dadkii deeganka dhurwaa xoolo qaadaya ooda sidii dadkii iska guraaya, haddii se raadka la fiirsho mid aadame u eg. Degsiimoyinkii oo dhan baa isu sheegay, ceelasha marka xoolaha la soo aroorinayo bay arrintii hadal haynteeda ku badatay. Waxaase ka sii dar-nayd haddii uu qaado neef riman waa dhigayaa isagoon waxba gaarsiinin.

 

Qoraaga: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan (Darwiish)

Email: abdulkadirone@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7