BOQORTOOYADII DHURWAAGA(Sheeko) – Qaybtii- 5aad

Posted Date: 29 Aug 2014   in: Madadaalo     0 Comments

Awal waxaa dadka degmada aad wax uga qaadi jiray dhurwaa ay u baxsheen Caggay waxaro dile. Haddase waxaa soo caga dhigtay mid raad-dadle ay ula baxeen, waana Diiriye oo dhurwaa la dhaqan noqday. Diiriye hooyadi niyadeeda kama uusan bixin maalin qura, in kastoo maalmo badan ay raadiyeen wiilkoodii laakiin raqdiis iyo ruuxdiis midna way arki waayeen. Waxa intaa u dheeraa habeen riyood ay ku arki jidhay marwalba isaga oo inta badan dhex maraya meel kayn ah, waxana ay aaminsanayd inaan wiilkeedii aanu dhiman, kolkii Eebe wayne qadarana ay maalin uun arki doonto, iyadoona arintaa ku ducaysan jidhay mar walba oo ay saladaha tukato. Laakiin, ciddii waa ka guurtay aagii ay deganayd. Hase ahaatee, waxa ay ka soo ag dhawaadaan xilliga gu’ga oo meesha waxaa ka ag dhow xurfado biyo qabatin leh.

Diiriye dhankiisa waxa uu in badan ku tabo bartay dabeecado ay lahaayeen dhurwaayada uu la dhaqmaayey waxa uu ka xasuusto qoyskiisiina waa in kooban. Hase ahaatee waa aadamoo waxyaalo badan buu kaga duwan yahay. Dushiisa intii badnayd waxa ka soo baxday dhogor. Dhar qaadashadi ma jirto. Cidiyahuna waxa ay noqdeen kuwo aad u dheer dheer oo adag.

Waxaana uu yeeshay tuur, maadaama uu dheeraday bohosha uu la dagan yahay dhurwaagana aanan qofku taagni ku dhex joogi Karin. Hadalka aadamahana ku hadlidiisii ma karo laakin waa uu fahmaayaa. Waa waynaaday oo waxa soo galay dareemo badan oo aadamahu sifo u leeyahay. Hase yeeshee, meel uu ka helayo ma jirto oo waxa uu la dhaqanyahay waa dhurwaayo.

Waxa uu noloshii saas ahayd ku jiraba, hannaan kiisa qaraabashadana uu u bogay boqorkii dhurwaayada boogaadin iyo amaana uu u hayaba, waxa uu habeenkii danbe sidii caadada u ahayd kor yimaadeen isaga iyo xayn saaxibadiya reer markaas xoolahoodii soo xareeyay. Waa sheekaysanayaan reerku xoolaha iyo bahalo sheekoyin ah baa la galay. Waxaana kamid noqotay ba sheekadoodi in aagga aad looga hadal hayo dhurwaa cago dad leh, ooda xerada xoolahana gadaal ka faydaya, neefka rimana ka leexanaya. Markaas Diiriye iyo saaxiibadiis kama foga reerka. Waa fahmeen in iyaga la hadal hayo, haddii Diiriye hadalkii sii dhagaystay waxa uu gartay codka islaan u wayn reerka. Waa hooyadi Dayaxo, waxaana uu fahmay in reerku yahay qoyskii uu ka dhashay.

Habeenkaas waxa reerkii lagu gaaf wareegaba. Waxa hadba gees laga istaagaba, Diiriyana ka hakinayo saaxibadi inay xoolo ka qaadaan. Waxa go’aan ay ku gareen in laga tago reerkan oo cido kale la doonto oo xoolahoodu dagan yahiin.

Habeenkii markii qaraabashadii soo idalaatay, kooxdii islasocotay waxa ay kulaabteen xaruntii boqortooyada. Diiriye isaga waxaa si gaara ula soo daristay xaalad cusub oo waxa uu soo ogaaday in qoyskii u ka dhashay haatan ay meel xaruntooda laga gaaro dagan yahiin. Hasa ahaatee, maxay kuugu taal maalin ma bixi karo oo waxa uu ka baqi in la arko markasna la dilo.

Qoraaga: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan (Darwiish)

abdulkadirone@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7