Cabdicasiis Lafta-gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Posted Date: 19 Dec 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta loo doortay in uu noqdo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,isagoona beddelaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ku guuleystay doorasho dhowr mar oo hore dib loo dhigay oo lagu qabtay Baydhabo taasoo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen waxa uu jelay 101 cod oo ah in ka badan laba meelood saddex meel codadka guud,taasoo ka dhigtay in uu kusoo baxay wareeggii koowaad ee doorashada.

Waxa uu ka adkaaday oo kaalinta labaad galay Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo helay 22 cod.

Doorashada maamulka Koonfur ayaa saddex mar dib loo dhigay,waxaana hareeyey rabshado dad badan ay ku dhinteen kaddib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharaxiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7