Cajiib:- Haweeney 71 sano jir ah oo guursatay wiil 17 jir ah (Sawiro)

Posted Date: 16 Jul 2016   in: Madadaalo,news,Somalia     0 Comments

Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday dhacdo la yaab leh kadib markii haweenay jirta 71 sano ay guursatay wiil da’diisu tahay 17 sano.

Kaaga sii darane duqdan iyo wiilka ayaa ku kulmay mar la aasayay wiil ay dhashay haweenaydan oo cudurka sonkorta u geeriyooday.

Haweenaydan 71, jirka waxa lagu magacaabaa Almeda Errel oo kasoo jeedda gobolka Tennessee ee Maraykanka.

Gary Harwick oo lammaanaha haweenayda oo hadda madaxa la galaya da’ada 18 jirka ayaa waxaa ku kallifay guurkan kadib markii ay kala goosteen gabar ay wada socon jireen, kadibna uu qaatay go’aankan.

Labadan qof oo da’ada badan u dhaxayso ayaa is guursaday kadib markii ay wada haasawayen 3 asbuuc.

Kharashka xafladda guurkooda ku baxday ayaa la sheegay inay dhammayd $200, waxaana soo diyaariyay wiilka. Hadda waxay wada daggan yihiin aqal ay leeyihin Ameda oo ay leedahay.

Haweenaydan da’ada wayn ku guursatay ayaa leh 4 caruur ah. Arimaha ku dhaliyay guurkan waxaa lagu sheegay inay doonaysay inay murugooyin badan oo soo maray ay iska mayrto oo nolosheeda ugu danbaysa farxad ku qaadato. Waxaa ka dhintay odaygeedii, waxaa kaloo ka dhintay wiilkeedii , sidoo kale waxaa shil gaari ku dhaawacmay oo wali curyaanah wiil kale oo ay dhashay.old

old2

old-is-gold1

old-is-gold-2

old-is-gold-3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7