Hagar daamadda  siyaasiga Soomaaliyeed  (qaybtii  labaad)

Posted Date: 21 Jan 2015   in: Maqaalo,Somalia     0

(Asalamu caleykum) Magaca ama astaanta siyaasadeed  wuxuu   tilmaan u yahay  hagida  bulsho   higsata  hanan  hormarineed  wax kaste  oo dunidaan saran waxay leeyihiin siyaasad qeexan kana turjumaysa geedi socoda  Sii Akhri

Mushkiladda Federaalka mushaakil baa ka horreyay!‏

Posted Date: 21 Jan 2015   in: Maqaalo,Somalia     0

Nin aad u aragti gaaban ayaa raba in uu wax ka yiraa ammaan darrada iyo sida aan la isugu hallayn karin aqalkiisa, isagoo aan rabin inuu ka hadlo wixii markii horeba gubey aqalkiisa si daawo dhab ah loogu helo, Sii Akhri

Shinida iyo Doorshaankuba waa cashar iyo cibaaro “midnimo iyo khilaaf”

Posted Date: 18 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     0

Qormadii koobaad ama qaybtii koobaad: Qormadaan waxaan ku eegidoona, Fariimaha aan ka fahmi Karno Shinida oo calaamad u ah midnimada iyo Doorshaanka ama Xaar-walaalka oo calaamad u ah khilaafka. Waxaan kale oo soo Sii Akhri

Qormo xiiso badan: Qabiil iyo qabyaalad (6+9)

Posted Date: 18 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     0

Dad badan ayaa xasaasiyad ku qaba jacaylka qabiilka, iyagoo mar kasta ku kala saaraya qabiil iyo qabyaalad oo ah walaalo xidhiidhsan sidaa Ilkaha, kuwa badan oo Soomaalida  ah waaba inkirsan yahiin in isir-soomaaligu Sii Akhri

Hagar daamadda  siyaasiga Soomaaliyeed  (qayb tii  koobaad)

Posted Date: 17 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     0

Nidaam siyaasadeed waa qaab-dhismeed qeexaya qaababka siyaasadeed ee  bulsho lagu hago siyaasi  waa   hagaha  bulsho si ay  Utiig sadaan ama u garaan   hanan dawlad nimo  hanaan  dhaqaale  iyo tacliin  siyaasad waa  hagaha  Sii Akhri

Guulaha is daba jooga ee  ka socda gayiga Soomaaliyeed  qaybtii labaad!

Posted Date: 14 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     0

Waa iska caddahay   waanan ogahay  inaan Soomaaliya wili aysan gaarin heerkii  ama  meeqaamkii ay adduunka  ka jogtay hayeeshee  guulaha is daba jooga ee hada socda  waxay tusaale  fiican u yihiin  in Ummadda Soomaaliyeed Sii Akhri

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

Posted Date: 11 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     0

“Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa” oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda Sii Akhri

Talo iyo tusaale soo jeedin: Dr.Geedi

Posted Date: 19 Dec 2014   in: Maqaalo,Somalia     0

Cabdiweli dan qaran ka shaqey waa dagaal dalbo

Dad badan oo dareenka wadaninimo ku dheehantahay ayaa isku deyay in wadankooda wax u qabtaan ayaga oo ka dhiidhiyay sida foosha xun uu dadakoodu ku suganyahay. Waxaa la qaadanwaayay in tanyo 1991kii uu burbur iyo baaba xad dhaaf ah aan ku soo jiro. Sii Akhri

Khatarta Cudurka Ebolaha iyo saamaynta uu ku yeelan karo dalka Soomaaliya

Posted Date: 21 Sep 2014   in: Maqaalo,Somalia     0

Cudurka Ebola oo ah Cudur halis ah  hadana loo aqoonsaday dilaa dawadisana aan wali la ikhtiraacin ayaa fara kulul ku haya qaar ka mida wadama galbeedka Africa. Sii Akhri

Qormo:-Hogaan wanagsan iyo hadal Dabacsan oo Horumar Bulshadeed

Posted Date: 18 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Inkastoo Madaxda Xililka kala Duwan Qabanaysa aysan ahayn isku Dabecad,Isku Shaqo, Isku Maamul iyo inay ku kala Duwanaadaan sida Dadka loogula Dhaqmo.

Hogaanka wanagsan waa kan wadan kasta uu ku Hormaro, Isaga iyo Bulshadiisuba ayna ku gaaraan heer ay Wadamada kale ay isku dayaan sidii ay u hagar daamin lahaayeen o ay ku dumin lahaayeen Wadankaas.

Hadalka Macaan iyo Kan Dabacsan waa wax lagu soo jiito Dadka kale, kuwaas oo aad adigu Maamusho oo aad u taliso iyo kuwa aadan aadigu maamulin.

Hadaba Somaliya labadaas Dameecadood iyo Tii ka horaysayba oo ahayd Hogaan Wanaagsan midna Maleh, Maxaa yeelay haday lahaan lahayd ma,aysan Joogi lahayn Meesha ay hada joogt.

Taasna waxaa U sabab Madaxda Dalka oo Isbar bar yaacaysa Macnaheedu waa hawshii uu Qaban lahaa Xoghaye oo uu Qabanayo Gudoomiyuhu, Iyo Hawshii uu qaban lahaa Wasiir oo uu Qabanayo Ra,isal Wasare iyo Hawshii uu Qaban lahaa Ra,isal wasare  oo uu qabanayo Madaxwayne.

Waxaas oo Isbarbaryaacayana waxay kentay in Somaliya aysan Kor u dhaafin Meeshii ay Fariisatay Dhoor iyo Labaatan sano Ka Hor.

Qofka Masuulkaa Markii loo dhiibo Xil waxaa ku waajiba in uu xilkaas ka soo baxo oo uu uguto Sidii loo baahnaa, mana aha in uu Hawl kale faraha lagalo oo aan Shaqadiisa Ahayn.

Wadamada Aduunka ma leh wax layiraahdo Isbarbaryaac taasna waxay keentay in wadamada Qar ay aduunka Hogaamiyaan oo wax walba ay iyagu qabtaan Wadamada kalana ay Daawadaan.

Taas Macnaheedu maa.aha waa naga hooyo badanyihiin mise waa naga karti badanyihiin, Ee waa Hogaan Wanagsan Hadal Dabacsan ayay Bulshadooda kula Dhaqmeen Taasna waxay keentay in bulshadeedu ay la Shaqeeyan.

Anoon Soomaliya kala Qaadeen Gobol Gobol iyo Degmo Degmo midna goob kasta waxaa ka jira Waa  hogaankan aan wanaagsaneen iyo Hadal an Dabacsanayn oo ay Madaxdu leedahay.

Inkastoo Dhoor iyo labaatan sano ka Hor Soomaliya ay ahayd mid ay majaraha u hayaan Madax wanagsan iyo Mamul Dabacsan, waxay aduunka ka gaartay Heer, Horumar iyo Hanaan bulshadeed.

Lakin Dhoor iyo Labatankaas Sano kadib somaliya waxay ka dhaxashay magac aan wanagsanay, iyo Hogaan aan Danaynayn Bulshadiisa.

Taasna waxay Timi markii Madaxwayne kasta oo isasa soo Sharaxa uu Xiliga ololihiisa ku dhex Jiro uu dhaho:-

” Waxaan ka Shaqaynayaa Hadi Aniga lay Doorto Horumarka Bulshada,Amniga,Dhaqaalaha iyo bilicda wadanka waxaan soo Afjarayaa Dagaalka Sokeya ee ka socda dalka waxaan kaloo Soo celinaya Sharaftii ay lahayd Bulshada Somaliyeed iyo halkii ay jogtay 25 Sano ka hor”

Dhamaan hadaladaas waa hadalo lagu soo jiidan karo bulshada balse waa hadal aan Daacad ahayn iyo niyad waxa uuna doonaya uu ku guulaysto Qabashada Xilka Madaxtinimada.

Lakin wax kasta waxay kala Cadaadaan marka uu Musharaax ku guulaysto Xilka Madaxtinimada Dalkaas oo uu hayo Dhoor Sano waxaa la ogaadaa in hadaladii uu lahaa Xiligi Ololihiisa ay ahaayen kuwa Ben abuura.

W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

Gmail:- Saidmahad10@gmail.com

Facebook:- Qoraa Siciid Mahad Maxamed

http://www.allidamaale.com/

Bosaso,Puntland Somalia

 

 

 

Warbixin:-Tallaabo ma qaadi karto, adiguna Tallaabo ma qaadi karto!

Posted Date: 14 Sep 2014   in: Maqaalo,Somalia     0

Intii lagu guda jiray Shir-madaxeedkii Wadamada Afrika iyo Maraykanka ee horraantii bishii hore ee August ka qabsoomay magaalada Washington ee dalka Maraykanka Sii Akhri

Maqaal:-Ka Shifaad Madaxtinimo iyo Dardaran Madaxwayne W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

Posted Date: 13 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Tan iyo Markii uu Hogaanka Dalka Qabtay Madaxwaynaha hada Xukunka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud 10kii Bishii Sebteembar ee Sanadkii 2012, Sii Akhri

Maxaa kaaga baxay Maqaalkii Ahmed Ali Biihi (From Fadhi ku diriir to wasiir)

Posted Date: 10 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Axmed wuxuu ku nool yahey magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska. Taxi ayuu wadaa. Taxi-gu waa shaqo aad u fiican oo lacag fiican laga sameeyo qofkii si fiican ugu shaqeysta. Reerkiisu waxey ku nool yihiin nolol aad u fiican marka loo qiyaaso Somalida. Saaxiibkiis Abdi wuxuu ka shaqeeya 2 shaqo oo midna yahey dukaan, kan kalena yahey hotel. Asagana dhaqaale fiican ayaa soo gala.

Axmed iyo Abdi waxaa galey damac siyaasadeed. Wax kasta oo damac galo, khasaare ayey keenaan. Axmed iyo Abdi waxaa la bilaabey in si joogto ah loo shiro oo laga tashado halkii laga bilaabi lahaa loolanka siyaasadda. Taladii ayaa muddo dheer lagu raftey. Waxyaabo aad u fara badan ayaa la is-tusey.

Ugu danbeyntii taladii waxey ku soo aruurtey in reerka (qabiilka) la kiciyo oo la yiraahdo xuquuq baa naga maqan; in mudaaharaad la abaabulo; in fadhi-ku-dirir la noqdo oo TV yada iyo websites ka iyo meelaha kale oo wax lagu qoro laga muuqdo.

Sida caadiga ah qofkii wax fiican sheega xiiso badan uma lahan warbaahinta (media-ha). Warbaahintu waxey jeceshahey wixii caadiga ka baxsan oo xasaasi ah haddey tahey CEY ama AFLAGAADO iwm. Dadka caanka ah (celebrities) oo ku nool dalalka reer galbeedka waxaa muhiim ah iney media-ha (warbaahinta) si joogto ah ugu jiraan haddii kale suuqa ayey ka bixin. Dadkaas caanka ah markey waayaan wax fiican oo ay warbaahinta ku galaan, waxey sameeyaan wax xun xittaa hadduu danbi yahey si muddo ay ugu jiraan warbaahinta. Yacni waa in lagu hadal hayaa haddii kale waa lagu ilaawin. Marka dadkaas caanka ah waxaad maqleysaa wuxuu galey khalad traffic ah; ama shaqaalihii makhaayadda uu wax ka cunayey ayuu la dagaalamey, iwm si uu warbaahinta dhawr maalmood ugu jiro.

Dad kale waxey sameeyaan waxyaabo bani’aadamka wax tar u leh, sida dhaqaale fiican oo ay ku baxshaan arrimaha bulshada; sponsorships kala duwan, iwm si magacoodu dhanka wanaagsan ugu jiro.

Axmed iyo Abdi waxaa batey qeyladoodii oo maalin walba mudaaharaad ama TV ama website ama noocyada kale oo warbaahinta ayey ku jiraan. Madaxweynuhu waa sidaas iyo sidaas; PM waxaas oo danbi ah ayuu ku jiraa; Wasiir hebel xuquuqdeenii buu duudsiyey; buuq aan dhammaad laheyn oo kicin ah iyo cey joogto ah ayey wadaan har iyo habeen.

Muddo kadib fadhi-ku-dirir-koodii waa u shaqeeyey. Axmed iyo Abdi ayaa Xamar looga yeerey. Axmed waa Wasiir; Abdi-na waa jago kale oo aan ka dhicin. Waa laba jago oo aysan wax khibrad ah haba yaraatee aysan u laheyn.

Xafiis-yadii ayaa la soo fariistey. Waxaa gudahooda ka buuxa wixii ay warbaahinta ka akhrin jireen muddo dheer. Dadka actors-ka ah (filimada mathala) ayaa waxaa ugu muhiimsan oo la baraa iney rumeystaan waxa ay mathalayaan haddii kale si fiican uma mathali karaan. Axmed iyo Abdi wixii ay mudada dheer soo wadeen waxey ka mid noqotey noloshooda oo wey rumeysteen.

Balse hadda waxey ku fariisteen jago qaran oo Somali oo dhan u dhexeysa. Axmed wuxuu yimid wasaarad uu Agaasime guud ka yahey nin aan reerkiisa aheyn; dhawr agaasime waaxeed oo aan midna la qabiil aheyn. Axmed waxaa ku jirtey maskaxdiisa in wasaaradatan reerkooda la siiyey. Waxey la noqotey dhalanteed in intaas oo shaqaale ah oo aan midna reerkiisa ka aheyn ay ka tirsan yihiin shaqaalaha muhiim ka ah ee wasaaradda.

Axmed wuxuu intaas ku doodi jirey inuu hadduu meeshaas gaaro uu xuquuqdii qabiil-kiisa ka maqneyd soo dhicin doono ee marnaba maskaxdiisa kuma jirin QARAN-NIMO. Axmed waxaa sugaya boqolaal qabiilkiisa ah oo uu ka buuxshey xuquuq baa naga maqan iyo anigaa idiin soo dhicin doona. Dadka shacabka ah waa dad masaakiin u badan oo daacad Ilaahey ah. Waxey rumeysteen hadaladii Axmed iyo Abdi waxeyna sugayaan iney xuquuq fara badan oo ka maqneyd loo soo dhicin doono.

Axmed iyo Abdi halkii ay ka shaqeyn lahaayeen arrimaha qaranka ayey waxey bilaabeen in labadii meelood oo masuul-ka looga dhigey ay ku bilaabaan sifeyn ay ka sifeynayaa shaqaalihii khibradda lahaa oo ay ku soo gurayaan qabiilkii. Midkii ay ruqseyn kari waayaan waxey ka qaadaan shaqada oo dhan oo meel cid la’ ah ayey kursi iyo miis u dhigaan ilaa uu lafahiisa kala cararo.

Wasaaradii ayaa waxaa dhuma tayadeedii oo dhan si deg deg ah illeyn wasiirkii wuxuu ku jiraa shaqo kale. Intaas waxaa dheer kharash aan caadi aheyn oo dhanka siyaasadda ah oo uu galayo taas oo dhalineysa in dhaqaale badan oo wasaaraddu laheyd uu aado meelo khalad ah iyo nacfi shakhsi ah. Wasaaraddii wax horumar ah iska daaye wixii horey ay u sameysey ayaa dib u dhacey. Waa mushkiladda heysata Somalia oo dhan. Sababtuna waxaa weeye khibrad la’aan iyo qofkaan meesha loo magacaabey oo aan waxba ku soo kordhin Karin. Ma doonayo in aan examples hebel iyo hebel dhaho laakiin qofkii caqli leh wuu arki karaa in wasiiro badan aysan wax khibrad ah u laheyn shaqooyinka loo dhiibey oo aysan waxba ku soo kordhin Karin horumarka wasaaradda balse ay ayagu ku yihiin caqabad ay ka shaqeyn la’yihiin dadkii khibradda lahaa ee mudada dheer ka soo shaqeynayey wasaaradda.

Muddo markey arrintu sidaas ku socotey ayaa Axmed wuxuu soo garwaaq-sadey in booskaani yahey boos qaran laakiin Axmed wuxuu isugu jiraa laba qof oo kala duwan. Shakhsiyad-diisii hore oo fadhi-ku-dirirka uu ahaa iyo hadda oo uu muddo kadib soo fahmayo inuu yahey wasiir qaran oo uu Somali oo dhan u dhexeeyo ee uusan qabiil iyo reer meesha u fadhiyin.

Ayadoo arrintu sidaas tahey oo Axmed iyo Abdi ay ku wareersan yihiin sidii ay maskaxdooda meel isugu wareejin lahaayeen (ama qaran ama qabiil) ayaa waxaa la gaarey, sidii caadadu aheyd, isbedelkii ay ku caan baxeen xukuumadaha Somaliyeed. Wasaarad-dihii ayaa la bedeley. Axmed iyo kooxdiisii waa la ruqseeyey oo kuwo kale oo ka qeylo dheer ayaa lagu bedeley. Fadhi-ku-dirir cusub ayaa meeshii qabsadey.

Intaasi waxey aheyd dhibaatadii qaranka soo gaartey, waxaase jira dhibaato ka sii weyn oo Axmed iyo Abdi iyo famiil-yadoodii soo gaartey. Axmed iyo Abdi markey noqdeen laba masuul waxaa is-bedeley status ka noloshoodii, waxey ka baxeen heerkii dhaqameed oo ay ku noolaayeen. Axmed wuxuu noqdey wasiir, wuxuu ka baxey noloshi taxi driver. Abdi wuxuu noqdey masuul weyn, wuxuu ka baxey noloshii hotelka uu ka shaqeynayey.

Axmed markii uu wasiirka noqdey dabcan noloshii famiilku waa iney isbedeshaa oo xaaskii wasiirka iyo caruurtii wasiirka. Kharashkii iyo quality’gii nolosha oo dhan baa halmar is-bedeley. Dhaqaale wasaarad oo aan cidna daa laheyn ayaa lakharash gareyn.

Sidii arrintu sidaas ugu socotey ayaa isbedelkii yimid. Isbedel-ku wuxuu keeney dhibaato ijtimaaci ah oo aad iyo aad u weyn oo ah: Axmed markii shaqadii wasiir-ka laga qaadey dib uguma noqon karo taxi driver. Dhaqaalihii faraha badnaa oo reerkiisu bartey lama hayo. Axmed London kuma soo noqon karo oo wasiirkii taxi gii dib uma fuuli karo. Axmed maadaama uu noqdey wasiir wuxuu target u yahey Al-Shabaab oo xagga nabad-gelyadiisu waa khatar joogto ah. Xamar waxaa lagu noool yahey hotels qaali ah oo kan ugu yar baa ah 1500 oo dollar ka American ka bishii cunto iyo jiif.

Axmed waxaa soo wajahey nolol aad iyo aad u adag oo uusan shaqadiisii hore ku noqon Karin; wax kale oo uu qaban karana aysan jirin. Waa dhibaatada heysata wasiiro iyo masuuliyiin aad u fara badan oo Xamar ama maamulada kale ka taagan.

Dhanka kale xaaskii iyo caruurtii Axmed oo nolosha wasiir-nimo galey, waxaa ku adkaatey iney dib ula qabsadaan nolol aad uga hooseysa noloshoodii hore waagii uu Axmed taxi driver-ka ahaa waayo waagaas dhaqaale macquul ah ayaa Axmed soo gali jirey. Haatanse wax walba wuu gabey. Haddii aad si fiican indhaha u kala furtid oo aad Xamar ama maamul goboleed-yada taariikhdooda sii raacdid, waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo kaa yaabiya; khaas ahaan masuuliyiinta.

Ugu danbeyntii waxaa jira oo ammaan mudan rag iyo dumar badan oo si daacad ah uga soo shaqeeyey Somalia ama maamulada gobolada oo ku amaanan. Qofkii wax fiican qabtey ma qarsoomi karo. Rag iyo dumar aan waxba xadin, waqtigoodana u jiheeyey sidii ay ummadda Somaliyeed wax ugu qaban lahaayeen ayaa jira. Waxaa jira masuuliin hore oo meel kasta oo ay tagaan laga jecel yahey, lagana soo dhaweynayo, lana ogyahey ineysan waxba xadin ee ay si daacad-nimo ah ugu shaqeeyeen dalka. Sidoo kale, Waxaa jira masuuliin qof kasta uu ogyahey iney TUUGO ahaayeen oo dhaqaalihii ummadda Somaliyeed loogu dhiibey ay xadeen oo ay ku maal-gashadeen dalalka dibedda ah.

Haddaba waxaa isweydiin leh: Haddeynu nahey shacabka somaliyeed maxaa inala gudboon? Qofka masuulka ah oo aan ognahey inuu TUUG yahey oo uu xoolihii shacabka dhacey oo kumaankun qof gaajo ugu dhinteen awgiis; ma waxaa nala gudboon in aan soo dhaweyno oo munaafiqiin noqonno MISE in aan albaabada ka xiranno oo aan dhahno TUUG yahow adduunkana sharaf kuma lihid, aakhirana xisaabtii Ilaahey baa kaa horeysa.

Qof walba oo Somali ah waxaa waajib ku ah inuu xisaabiyo qofka masuulka ah oo uu yaqaan oo haddii uu qofkaas masuulka ahi uu noqdo NADIIF-na la soo dhaweeyo oo la karaameeyo; hadduu TUUG XARAAMI ah noqdana albaabada laga xirto oo lala dagaalamo. Haddii kale TUUGAAS XARAAMIGA ah ayaan sii geesinimo galineynaa hadaan soo dhaweyno.

Waxaad maqleysaa hal sano ka hor markii wasiirka loo magacaabey ma uusan heysan TICKET oo waa loo soo qaaraantey; haddana 3 villa oo intaas oo kun joogta ayuu Nairobi ka iibsadey. Mushaarkiisa oo dhan hadii la isku daro 30 sano hal guri ma gooyso. Ma waxaa shaki nooga jiraa inuu dhaqaalihii loogu soo dhiibey masaakiinta biyo la’aanta u dhamaatey inuu xadey.

Qof kasta oo Somali ah waxaa dalka ka saran masuuliyad buuxda sidii uu u ilaalin lahaa dhaqaalaha iyo xuquuqda dalku nagu leeyahey. ILAAHEY wuxuu Quraanka noogu sheegey FIRCOON sheekadiisii.

Aayadda 54-aad ee Suuradda AL-ZUKHRUF ( سورةالزخرف – الأية 54 )

فَاسْتَخَفَّقَوْمَهُفَأَطَاعُوهُۚإِنَّهُمْكَانُواقَوْمًافَاسِقِينَ

So he bluffed his people, and they obeyed him. Indeed, they were [themselves] a people defiantly disobedient [of Allah ].

Fircoon wuxuu ahaa qof caadi ah laakiin dadkiisii ayaa ka yeeley inuu wuxuu rabo uu ku sameeyo ilaa uu ka yiri ILAAH baan ahey. Sababtuna ma aheyn inuu Fircoon lahaa xoog uu dadkaas ku heysto ee ayaga ayaa FAASIQIIN ah sida Ilaahey noo sheegey. Marka yeynaan innagu faasiqiin noqon ee wixii xun aan diidno; wixii fiican-na aan taagyeerno.

Waxaan ka cudur-daaranayaa in qoraal-keygaan uusan qof shakhsi ah ku socon ee uu yahey aragti guud ah.

Wasalamu alaikum Ahmed Ali BIHI LONDON, United Kingdom

 

Culusow Iyo Jawaari oo Jeebka U Furanaya Inay Ka Buuxsadaan Bada Somalia iyo Norway Oo Kaash La Hoos Joogta

Posted Date: 08 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh:Waddamo badan oo Reer Galbeedka u badan ayaa waxay xoogga saarayeen in Somaliya ka baxdo ku meelgaarka iyagoo ujeedada u wayn ee dadaalkoodaas Sii Akhri

Qormo:- Xasuuqii Reer Falastiin iyo Xaragadii Reer Israa,iil W/QSiciid mahad Maxamed

Posted Date: 07 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Saxafada Caalamka Manta waxay isha ku hayaan sheedana waxay ka daawanayan duulanka iyo duqaynta lagu hayo shacabka reer Falastiin ee walaaleheen ah.Tan iyo marki ay duqaynta ku bilaabatay shacabka ay dagaaladu Sii Akhri

Qormo:-Dagaalka lagula Jiro Kooxda Al-Shabaab ma Riwayadbaa mise waa Flim dad Loo Shiday. Q/Labaad

Posted Date: 07 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Dad badan o kamida Dadka ku nool Aduunka waxay u haystaan in wax walba lagu xalin karo Dagaalka iyo Qoray Caaradii, Balse waxaa ka maqan in halkaas ay ku Baaba,ayaan Dad Rayida oo aan waxba galabsan. Sii Akhri

Qormo:-Dagaalka lagula Jiro Kooxda Al-Shabaab ma Riwaadbaa mise waa Flim dad Loo Shiday. Q/Kowaad

Posted Date: 06 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Dagaalka u dhaxeeyaKoxda Al-Shabaab iyo Ciidmada Dawladda Federalka Ee Somaliya oo Gacan ka helaya Ciidamada Amisom ayaa waxa uu yahay mud Mudo Dher Socday kaas o labada Dhinacba aysan ka Gaarin wax Xal ah Sii Akhri

Taariikh Nololeedkii Hogaamiyihi Kooxda Al-Shabaab Axmed Godane WQ: Dayib Mohamed Afgooye

Posted Date: 06 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Waxa shalay geeridiisii la xaqiijiyey hoggaamiyihii ugu sareeyey ee Xarakada Al-Shabaab Mr. Axmed Cabdi Aw Maxamuud (Axmed Cabdi Godane), runtii inka badan 20 jeer baan qalinka u soo qaatay in aan qoro maqaalkan haddana waan ka  Sii Akhri

Cali Khaliif Gallayr Oo Damacaiisii Qarsoonaa Daaha Ka Qaaday

Posted Date: 06 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Gabay ayaa waxaa ku jirtay wax badan baan jallaadaye dhegbaan jalaq la iisiin dheh… Anigoo uga golleh gabaygaa Sii Akhri

Fikirka Akhristayaasha ee gudiga Olympiga Xamar

Posted Date: 05 Sep 2014   in: Maqaalo     0

ASC walaalayaal. Hadaan wax ka iraahdo fikirkeeyga ku aadan Doorashadii qarsoofiga aheyd ee gudiga olympiga ee xamar ka dhacday waaa xaaraan, waa mid hal reer isku urursadaeen, waa mid Sii Akhri

In Just one plain english Word

Posted Date: 03 Sep 2014   in: Maqaalo     0

In Just one plain english Word: Togane, For decades now. For ages now For Devilish Darod Donkey’s years now

Sii Akhri

Maxaa keenay Degdega Cusub ee Xasan Sheikh Dacwada ugu gudbiyay Maxkamada Caalamiga ?

Posted Date: 03 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Oohinta Orgiga ka weyn! Maxaa keenay degdega cusub ee dowlada Madaxweyne Xasan Sheikh ay dacwadda ugu gudbisey Maxkamada Caalamiga ee Hague!!! Sii Akhri

Maqaal: Dawlad Danyar iyo Dad Danyar Alla U maqan.

Posted Date: 02 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Nolosha Dadka Alla Kala Soocay Sidii u kala Socay Faraha biniaadanka hadana ku kala noolaysiyay meela kala Duwan Quudi daruurigana u kala sahlay. Dadka Qaar nolol Maalmeedkoda waa ay helaan iyaga oo aan ka marin wax rafaada ama wax Sii Akhri

Cali Khaliif Gallayr: Maah Maaahyo Xumo Waa Gudniinsho Xumo

Posted Date: 02 Sep 2014   in: Maqaalo     0

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Nin ayaa noo sheekeeyey, waxaan sheekadiisa ka xasuustaa oo ka mid ahayd… Waxaa meel nala deganaa oday waayeel Sii Akhri

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7