Ciidamada Daraawishta PL oo Buuraha gal gal ka qab qabtay Al-shabaab iyo Hub ay wateen

Posted Date: 05 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa saaka waabarigii hore howalgal ay ku nadiifinayaan qeybo ka mid ah buuraha taxan ee Galgala ku qaaday goobo lagu sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaan weeraro argagixiso.

ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo xog ka heley weeraro lagasoo abaabulayay goob lagu magacaabo Bali Dharkeynle oo ku taala Buuraha ku gadaaman Sanaag iyo Bari ee Galgala ayaa howlgalkoodu ahaa in ay bur buriyaan dhabarkana ka jabiyaan dhalinyarada nabad diidka ah ee la marin habaabiyay.

Howlgalka ciidanka ay saaka fuliyeen ayaa la sheegay in ay ku dileen 8-ka tirsan kooxaha Al-Shabaab ayagoona dhawaac ku soo qabtay mid ka mid ah Shabaabka iyo Hubkii ay wateen.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa saxaafada u sheegay in ay soo bandhigi doonaan Hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay kasoo qabteen saldhigii ay ka bur buriyeen Al-shabaab.

Bosaso
allidamaale@hotmail.com

Allidamaale