Ciidamada PSF oo Jab xoogan gaarsiyeey alshabaab Buuraha Gal-Gala (Sawiro)

Posted Date: 19 Jun 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Ciidamada difaaca puntland ee Psf war ay bartooda facebook soo dhigeen waxay ku sheegeen in dagaal ay qaadeen maanta.

“Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa waxay saaka 19 June, 2017 weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow,Puntland.
Weerarkan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen goobahaas ayaa waxay ugu geysteen cadowga Al Shabaab khasaare xooggan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho; waxayna ku burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaystaan cadowga Al Shabaab oo ku yaal Buuraha Cal Madow” wa sida #psf ay sheegtay

Marka laga yimaado hadalka #psf ma jirto cid ka tirsan alshabaab oo ka hadashay dagaalkan, mana jirto ilo madaxbanaan oo arinkaan ka waramaya, balse arinkaan ayaa ku soo beegmaya xili Psf ay wado dadaalo lagu xaqiijinayo amniga ka dib weerarkii af-urur

Allidamaale