Ciidamada PSF oo Toban Kun oo Dollar Ugu Deeqay Dhismaha Cusbitaalka Qardho (Sawiro)

Posted Date: 11 Oct 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Ciidamada Xooga Puntland ee PSF ayaa ugu deeqay Lacag dhan toban kun oo dollar ($10,000) si loogu dhamaystiro dhismaha cusbitaalka degmadda Qardho.

Munaasabadii lagu wareejinayay lacagta oo lagu qabtay xarunta Cusbitaalka waxaa ka qaybgalay Maamulka gobolka Karkaar, Kan Degmada, Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland , maamulka guud ee Cusbitaalka, odoyaasha dhaqanka ee goboolka iyo saraakiil ka socotay ciidamada difaaca Puntland ee PSF.

Cornel Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Ilig oo ku hadlayay magaca ciidamada PSF isla markaana wareejinayay deeqdan waxa uu sheegay in markii ay arkeen baahida cusbitaalka , sidoo kalena loo soo gudbiyay agaasimaha guud ee ciidamada PSF Asad Cismaan Cabdilaahi ay go’aansadeen in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dhismaha Cusbitaalka,

” Ciidamada PSF gacana waxay ku difaacayaan dalka, gacana waxay kaga shaqaynayaan arrimaha bulshada” Sidaas waxaa yiri Cornel Ilig

Agaasimaha Cubitaalka Qardho Cismaan Cabdi Aw-muuse oo guddoomaya deeqda lacageed ee ka timid Ciidamada PSF ayaa u mahadceliyay ciidamadda iyo agaasimahooda Asad Cismaan Diyaano.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Bare, Duqa degmada Qardho Cabdi Saciid cismaan, Xildhibaan Cabdirisaaq Muuse , C/casiis Boqor Muuse, iyo qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee gobolka oo oo gabagabadii ka hadlay munaasabada waxay bogaadiyeen oo ka mahadceliyeen Deeqda lacageed ee Ciidamada PSF ay ku wareejiyeen maamulka Cusbitaalka oo ay sheegeen in deeqde timid xili aad loogu baahnaa, iyadoo dhismaha cusbitaalku uu meel gabagabo ah marayo.

Ciidamada Xooga Puntland ee PSF oo la Asaasay 16 sanno ka hor, Xaruntooda ugu weynina ku taala magaaladda Bosaso waaa ciidamo loogu talagalay inay la dagaalamaanka Kooxaha ay ka mid tahay Alshabaab, waxay kaloo ka qaybqaataan caawinta iyo taaakulaynta dadka shacabka iyagoo daawo iyo raashin bilaash siiya qoysaska danyarta ah, sidoo kale waxay magaalooyinka waaweyn ku beeran dhir si loo soo celiyo bilicda iyo quruxda magaalooyinkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7