Ciidamadda PSF oo Howlgalo kawada Buuraha Calmadow

Posted Date: 11 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Xili shalay Wasiirka Amniga ee Dawlada Puntland uu sheegay inay dawladu baaritaan ku hayso dadkii ka danbeeyey weerarkii lagu qaaday Kaantaroolka magaalada Bosaaso ayaa hawlgal arintaasi ku saaban uu ka dhacay Buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee dawlada Puntland ayaa hawlgalo ay kasameeyeen Buurahaasi waxay sheegeen inay ka Jawaabeen Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Kantaroolka laga galo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee dawlada Puntland.

Dhawaan ayaa hawlgal sidan oo kale ciidamada Difaaca Puntland ee loosoo gaabiyo magacooda PSF,ta ay ka sameeyeen qaybo kamid ah meelaha ay ku suganyihiin Al-Shabaab ee Buuraha deegaanada Puntland.

Allidamaale