Ciidamo kasocda Midowga Yurub oo u diyaar garoobay ka hortaga tahriibka Afrika

Posted Date: 01 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Dalalka Midowga Yurub ayaa soo saaray go’an ah in ay ciidamada ka socda dalalka reer Yurub u diyaariyeen ka hor taga Tahriibka kasoo haajiriaya musuq maasuqa iyo dagaalada kasocda Afrika.

Baarlamaanka Yurub ayaa soo saaray go’aanka ah in laga wareejiiyay culuska saaraan dowlada Talyaaniga oo in muda ah la daala dhacayay xakameynta iyo ilaalinta muhaajiriinta ku safraya badaha Yurub ee imaanaya dalka Talyaaniga sidii looga hortagi lahaa.

Waxaa sidaas daboolka ka qaaday Xoghayaha Guud ee Ururka reer Yurub ee Qaxootiga, Michael Diedring in dalalka reer Yurub ay diyaariyeen ciidamo isku dhaf ah oo Talyaaniga kala wareega howlgalka lagu xakameynayo la dagaalanka Tahriibka ka imaanaya qaarada Afrika iyo Asia ee kasoo tahriibaya xeebaha Liibiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7