Ciidanka amniga oo Markale xalay hawlgalo balaaran ka fuliyay Xaafdaha Gaalkacyo

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Hawlgalo balaaran ayay  Xalay markale Ciidamada booliska iyo kuwa Birmadka oo iskaashanaya ka fuliyeen xaafdaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug oo dhawaanahaan si weyn loo adkeyay nabadgalyadeeda.

Booliska ayaa ku raadjooga dhalinyaro xiliga habeenkii ah qas iyo fawdo  kasamaysa Magaalada kuwaas oo cabashada laga canabayo ay aad ugu badatay xafiisyada lamaha ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qaybta Booliska  Gaashaanle sare Cadbdulaahi Shire Dool ayaa  warbaahinta  u sheegay in hawlgaladu ay soconayaan. waxana inataas uu raacshay in hawlgalkii xalay oo ahaa mid balaaran lagu qabqabtay 30 dhalinyaraa kuwaas oo la  tuhunsanyahay baaritaana lagu hayo haatan.

Hawlgalkii xalay meel  kastaan ku beegsanaynay an ka shakisanahay waxaana ku xirxirnay 30 dhalinyaraa Baaritaan ayaa ku socda dadka aan waxba galabsan wa lasiidaynayaa shalay dad badan ayaa sii daynay oo waxba lagu waayay” Ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska G Mudug gashanle sare cabdullaahi shire dool

Hawlgalada ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa Bulshadu siwayn usoo dhawaysay, waxaana ay ku tilmaameen kuwo kusoo beegmay xiligii loo baahaanaa.

shacabkuna waxay ballan qaadeen inay ciidamada poliska iyo kuwa birmedka  gacan siin doonaan oo si weyn ula shaqeynayaan, kadib markii loo kacay sugida amnigooda, si ay khatartu uga yaraato shaqa maalmood koodana u gutaan iyadoo ay ina ku soo foodleedahay ciidii soon fureed.

Waddani arts warbaahinta caalamiga allidamaale Gaalkacyo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7