Ciidanka Jubaland iyo Al-shabab oo ku dagaallamay Sanguuni

Posted Date: 13 Nov 2017   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Saraakiisha dhinaca Amniga Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhig ay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Jilib iyo Buulo Guduud.

Weerarka ayaa markii hore ku billowday duqeyn loo geystay saldhigga kaddibna ay Ciidamo lugta ah oo ka tirsan Jubaland ku galeen degaankaas.

Mukhtaar Maxamed Cabdi Raamsade oo ka mid ag Saraakiisha Ciidamada Jubaland ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in saaka ay la wareegeen degaankaas.

Waxaa uu sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah u geysteen Ciidamada Al-shabaab ee ku sugnaa Tuulada Baar Sanguuni,halkaas oo uu sheegay in mid ka mid ah Saldhigyada Al-shabaab lagu bur buriyay.

Allidamaale