Cirro: “Siilaanyo God ayuu ku riday Somaliland Muusana ciidduu ku geddiyay”

Posted Date: 19 Apr 2018   in: news,Puntland,Somalia,Somaliland     0 Comments

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland C/Raxmaan Cabdullahi Cirro ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo in uu god ku riday Somaliland.

Cirro waxaa uu ka jawaabayay hadal ka soo baxay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo sheegay in Dekadda Berbera ay kala heshiiyeen Dowladdii hore ee uu madaxawyenaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Anwar Gargaash ayaa intaas ku daray in aysan Somaliland la lahayn xiriir gaar ah,qunsuliyad ku lahayn Hargeysa islamarkaana heshiiska Berbera ay kula wareegtay ay saxiixday dowladdii hore ee Somaliya.

C/Raxmaan Cirro ayaa sheegay in Axmed Siilaanyo uu god ku riday Somaliland islamarkaana Muuse Biixi uu ciidda ku geddiyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa oo soo jeediyay in Maxkamad la horgeeyo Madaxwenihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7