Ciyaartoyda Kubadda Kolayga ee Somalia uga qayb galaya Tartan Afika oo u dhoofay Tanzania

Posted Date: 26 May 2015   in: news,Puntland,Sports     0 Comments

Cayaartooyda Kubadda Kollayga ee matalaya degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta u amba baxaan caasimada Daara-salaam ee Wadanka Tanzania. halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan tartan kubadda Kolleyga ah oo loo qabanayo magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Tartankan oo lugu magacaabo Inter City Game,waxaa sannad walba ka qayb-galo magaalo ka socota Puntland,waxaana Puntland xilli ciyaaredkan matalaya ciyaartooy la sheegay tayadooda inay sarayso oo ku ciyaaraya magaca degmada taarikhda boqortooyo leh ee Qardho.Kooxda matalaysa Puntland waa hoggaaminaya,Cabdirashiid Xasan Xirsi (Baki) oo ah shaqsiga mar walba horumariya magaca isboortiska eePuntland,waxuuna tartanka ku hoggaamiyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo
Garoowe.

Garoowe ayaa lugu xasuusta inay soo gaartay tartanka kama dambeysta ooay marka la ciyaareen magaalada caasimada ah ee Qaahira,waxaana aydhigeen wacdaro an la iloobi karin.Baki oo hoggaaminaya ciyaartooyda sanadkan ku ciyaaraysa degmada Qardho,waxuu sheegay inay rajo wanagsan ka qaban guul muhiim ah inay
ka gaaran,maaddama ciyaartooyda ay yihiin kuwo muddo la diyaarinayay oo tayadoodu sarayso.

Muddo ka badan labo bil ayaan tababar ku jirnay, runtii cayaartooyda waxaan is dhihi karnaa markan meel fiican ayaad gaarsiiseen, doorkooda unbaa ka sugeynaa inay ka soo dhalaalaan, oo ay kor u qaadaan magaca
Puntland iyo degmada Qardho oo ay ku cayaarayaan” ayuu yiri ,Cabdirashiid Baki.

Waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland-ba in ay garab istagaan bahda Isboortiga maaddama uu qayb weyn ka qaadan karo nabadda iyo soo celinta xushmadii isboortis ee u wadanka lahaa.

“Shacabka waxaan ka codsanayaa inay sagootin iyo soo dhaweyn u sameeyaan cayaartooyda ka qeyb galaysa tartanka magaalooyinka bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika, Isboortiga waxa uu qeyb ka cayaaraa
isdhexgalka bulshada iyo horumarka dalka” ayuu yiri ku daray hadalkiisa hoggaamiye,Cabdirashiid Baki.

Waxuu ku faray dadka Puntland iyo Soomaalida kalaba in looga bahan-yahay taageerro hiil iyo hooba leh si ciyaartooyda matalaysa Puntland ay meel sare ugu gaaran tartankaan.

Guud ahaanba Soomaaliya marka la dhaho waxaa tartankan sanad laha ah ka qayb-galaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo degmada Qardho oo ka tirsan Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7