Daawo:- Camey Oo Taageeray Dowladda Federaalka,Kana Horyimid Go’aamadii Shirkii Garowe

Posted Date: 30 Oct 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa si cad uga horyimid go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha maamul goboleedyada ee toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay Magaaladda Garoowe.

Wuxuu soo dhaweeyay martiqaadkii iyo wadahadaladii uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ku tilmaamay go’aankaasi mid geesinimo leha

“Waa riyo maalmeed, in qodobo noocaas ah ay kasoo baxaan shirka madaxda maamul goboleedyadda. Waxaan si wayn ubogaadinayaan talaabada culimada iyo taliyaasha ciidamada Puntland ay qaadeen,” ayuu yiri.

Wuxuu soo dhaweeyay go’aan uu qaatay madaxa xukuumada Galmudug sheekh shaakir, kaasi oo uu kaga hor-yimid isana shirkii Garoowe xili uu ku baaqay in laga qaybgalo shirka uu Farmaajo ku iclaamiyay.

“Waxaan si wayn u bogaadinayaa saaxiibkey Sheekh Axmed Shaakir, oo talaabo muhiim ah qaaday. Waxaan ku baaqaynaa in wax kasta lagu xaliyo wadahadal,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Camey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, wuxuu kaloo ku booriyay dowladda federaalka inaysan marna aqblin in daraf saddexaad uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo dowladda Goboleedyada. Wuxuu eeda khilaafka siyaasadeed ee taagan dusha u saaray maamul goboleedyada.

Gabagabadii, wuxuu meesha ka saaray in khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7