Daawo:- Ciidanka Daraawiishta Puntland oo sheegay inay qaadayaan dagaal lascanood kuso celinayaan

Posted Date: 21 Jan 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland oo Garowe kaga dhawaaqay kadib hadalkii bahdilka ahaa ee Muuse Biixi.

Afhayeenka ciidanka daraawiishta Puntland Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay shaqsi fudud oo dagaal ooge ah.

Afhayeen Gubadle ayaa sheegay inaysan isku darajo ahayn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi, wuxuuna carabka ku dhuftay inay labo korneyl yihiin isaga iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu masuul ka noqonayo wixii dhibaato ah oo ka dhex dhaca labada maamul.

Wuxuu intaas ku darey Korneyl Gubadle inay muddo dheer Puntland ilaalinaysay nabadgalyadda iyo daris wanaaga, balse ay soo xadgudubtey Somaliland ka dib markey duulaan ku qabsatey deegaanka Tuko Raq oo ay ka talinaysay Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7