Daawo: Gabay ku socda Dawlada Somalia Muran iyo Khilaaf Abwaan Abdixakiim Shaacir‏

Posted Date: 14 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Gabaygan oo ah mid meelobadan taabanaya waxaa curiyay Abwaan Abdihakiim Shaacir wuxuuna kula hadlayaa dawladda Soomaaliya oo khilaaf ragaadiyay halkan ka dhagayso ama hoos ka Akhri.

https://www.youtube.com/watch?v=cP6Fl6ntHDk

Muran iyo Khilaaf:

·       Tixda Maanso Miim leeyda iyo, Qaafiyadaan Meerin
·       Sidii Roob Mahiigaan ahey, Dunida Maansheyne
·       Masno iyo Xareed baa dhextaal, Mahad ilaahay’e
·       Markihiyo kumaal dhiil Cudoon, way Macaantahaye
·       Marna waa Madaafiic dhiciyo, Meel fog loo ganaye
·       Mariid iyo Sun bay Qaar u tahay, Maansadaan Diriy’e
·       Bal aan wuxuu Muraad kaygu yahay, idin Mihiibsiiye.

·       Marwadiyo Hablihii Doorranaa, waa Maciinli’iye
·       Muzafani Mooryaantiisii baa, Aayar Maamulan’e
·       Maatidiyo Dhallaanka dayacan, Maytka Qubanaaya
·       Macno beele Nimankaan lahayn, way matalayaane
·       Majlis Shacab kuwii lagu Matalay, waa Midaan jirine
·       Maan koodana waxaa lagu Mulkiyi, Mani lasiiyaaye
·       Musuqay ku loolamahayaan, Maalin iyo Layl’e.

·       Mar haduu Mahaam kiisu yahay, Mudane kii sheegtay
·       Anaa Midigta kuu taagayoo, Mooshin kuu sida’e
·       Jeebab kayga ood Miisatana, wuu ku Meel-mariye
·       Inuu lumay Meeqaamkuu lahaa, waa Midaan hubo’e.

·       Shacabkoodii oo wada Milqaxan, Meel kastana daadsan
·       Oo kasugi Maciin loo galiyo, Maamul la islaaxshay
·       Muran iyo waxay door bideen, Mooshin la abraare
·       Mana oga halkuu Maanta yaal, Magacii Soomaali.

·       Muran iyo Khilaaf taagan waa, Meheradoodiiye
·       Marti bay ahaayeen Dal kale, lagu Masruufaayo
·       Kuraaastiyo Markii laysla  dhacay, Miisaskiyo Qoolke
·       Ceebtii Maalintaa ay Faleen, Mahadho weeyaane
·       Magacii Mudanahay Ba’sheen,  iyo Meeqaam kiiye.

·       Muunadiyo wanaagii ka dhimay, Madaxda Soomaali
·       Muran iyo Khilaaf taagan waa, Meheradoodiiye
·       Mooraal kiisii bay Dhaawaceen, Shacabkii Moodaayay
·       Maamul iyo Hogaan Daacad u ah, oo Midnimo keeni
·       Maslaxada Dalkoodiyo Dadkana, Midigta Saaraaya
·       Musuqana ka dheeraanayoo, Maamulka Islaaxin.

·       Muran iyo Khilaaf taagan waa, Meheradoodiiye
·       Mana oga Kuwaa Mooshinnada, Madasha keenaaya
·       Ee Masalo aan Buurnayn ka dhigay, Mawjadaha Ciiri
·       Qorshihiyo Makriga loo Samayn, ee Rag Maakibayo.

·       Meelo Sare inaad Fiirisiyo, Maylal kaa durugsan
·       Oodan Hoos u soo Muudin waa, lagama Maar-maane
·       Mar haduu Ibliis kaagadhigo, Cadawga kuu Muuqda
·       Midka aydaan kala Maarmin ee, Jooga Midigtaada
·       Duulalkii ku Maakirahayaa,  kaa lug Meersaniye.

·       Mugdi buu Dalkii sii galiyo, Mool rag uu qoday’e
·       Mariam iyo Kenyaataa hadeer, qayb dhan Maamulan’e
·       Media hay ka sheegeen Xogtaa, waadna Maqasheene
·       Goobaha Mamnuuc laga dhigiyee, aan la Marihaynin
·       Mulkigooda Ma’ahee illeen, Wayska Maamulane!!!.

·       Maskaxdii Fayow baa Murtida, Garan Muraad keede
·       Maan-gaab kuma Duxayso iyo, kii Maroor wada’e
·       Hayeeshee Masaladii Xaqa ah, Mawlahaa Jecele
·       Muraad kama leh Nimankaa, Matala Mugaga Jeebkooda
·       Magaceennii Soomaaliyeed,  Maanta suu yahaye
·       Muunad iyo Meeqaam buu lahaa, Meertadii hore’e

·       Maantana halkuu yaallo waa, Meel Habaas badane
·       Musiibiyo Xumaha oo dhan baa, Lagu Masaalaaye
·       Qof Masaalix Raadsaday Magayo, Xil Masuuliyad’e
·       Musuqliyo Danaystaha Maxaa, Maamulka udhiiba?

By:  Abdihakim Shaacir
Date: 12-12-2014

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7