Daawo-Xildhibaanad Huda Axmed oo ka hadashay warar sheegaya inay halmar 3 nin isla guursatay

Posted Date: 19 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Xildhibaanad Huda Axmed Cali oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan la sheegay iney hal mar isla guursatay sedex xildhibaan, warkaas oo ahaa mid dad badan ka yaabiyay.

Hase ahaatee Xildhibaanadda oo saxaafada la hadashay markeedii ugu horeeyay ayaa beenisay warkaas iyadoo sheegtay in boqorka beesha ay kasoo jeeda uu ka dambeeyay in arintaas uu ku ceebeysto.

Xildhibaanad Huda oo dhibane u ah qaar kamid ah saxaafadda iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegtay iney aad uga xun tahay in boqorka beesheeda uu doonayay inuu ku ciyaaro nolosheeda isla markaana uu ka faafiyo xumaan uu alla reebay.

Allidamaale