Daawo+Sawiro:- Ciidamada Gen Muxiyadin oo Gacanta kuso dhigay 140 Dhalinyaro ah oo Anshax xumo kawaday Garpwe

Posted Date: 09 Sep 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa maanta ciidamada amniga iyo wasaarada caadaladu waxay soo bandhigeen dhalinyaro aad u farabadan kuwaas oo Garowe ka kiraystay guri lagu Garaacdo Music.

Taliyaha la dagaalanka Argagaxisada ee dawlada Puntland mudane Muxiyadii Axmed Muuse ayaa sheegay dhalinyarada lasoo qabtay inay tiroodu gaarayso 140 dhalinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhalinyaradaasi muddo shan Barri ah ay guri ku yaal Magaalada Garowe ay ku garaacanayeen Music iyo waxyaalo kale kuwaas oo 90 Ka mid ah ay rag yihiin halka 50 kale uu dumar yihiin.

Taliyaha ayaa sheegay dhalinyaradaasi inay yihiin kuwo waalidkood raali uga yahay inay timaha si qaabdaran u jartaan sidoo kalana ay dadka dhacaan kuwaas oo waxay doonaan ka samaynaya magaalada Garowe sida uu sheegay taliyaha.

Allidamaale