Dagaal Gobalka Mudug ku dhex Maray Alshabaab iyo Puntland

Posted Date: 15 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay Dagaal culus oo shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Shabaabku waxaa ay sheegteen in Dagaalkaasi ay ku dileen 10 askari halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawaceen sida ay sheegeen.

Warar ayaa sheegaya in Dhinaca ay xalay isku hor fadhiyeen goobihii ay gelinkii dambe ee maanta ay ku dagaalameen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland,Galmudug iyo Dowlada Soomaaliya oo looga hadlayo weerarkaasi is gaashaan buursiga ee lagu qaaday Shabaab.

Allidamaale