Dagaal kooban oo ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland deegaanka Tukaraq

Posted Date: 14 May 2018   in: news,Puntland     0 Comments

Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay waabarigii hore halkaasi iska horimaad Kooban uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Wararku waxey ay sheegayaan in halkaasi ku dhawaad hal Saac iska hor imaad socday uu ku dhexmaray labada ciidaan ee mudooyinkii danbe isku hor fadhiyay Tukaraq.

Iska hor imaadkaan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii labo sahan oo dhaq dhaqaayo waday ay isku dheceen kadibna Madaafiic la is weydaarsaday.

Labadaan maalmood ayaa Waxaa halka ciidamada isku horfadhiyaan kasocday dhaq dhaqaaqyo dhalinkara xiisada dagaan waloow ay weli socdaan dedaalo lagu doonayo in lagu damiyo colaadaasi.

Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo afartii bilood ee ugu danbeeyay isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq ayaa isu jira masaafo ku dhaw 14KM, waxaan la filankaraa saacad walba in halkaasi ku dhexmaro dagaalo lagu hoobto, maadaama uu fashil ku dhamaaday dhex dhaxaadintii uu labada dhinac ka dhexwaday ergayga gaarka ah ed qaranada midoobay u qaabilsan arimah Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale