Dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Tukaraq

Posted Date: 08 Jan 2018   in: news,Puntland,Somalia,Somaliland     Comments Comments

Degmada Tuka Raq ee gobolka Sool ayaa waxaa gacanta si buuxda ugu dhigay ciidamada maamulka Soomaaliland kuwaas oo aysan jirin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay la wareegida degmadaas.

Labada Dhinac ee magaalada ayaa waxaa saaka kasoo galay ciidamo hubaysan kuwaas ugu tagay degmada Ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Puntland gaar ahaana kuwa Jimcaale.

Ciidamadii ka joogay Puntland degmadaas ayaa gabi ahaanba isaga soo baxay waxaana hada ay saldhig ku meel gaar ah ay ka samaysteen Deegaan u dhexeeya Magaalada Garowe iyo Degmada Tuka Raq ee gobolka Sool.

Dadka degmadaasi ku sugan ayaa sidoo kale waxay sheegayaan inay ciidamadan wehelinayaan ciidamo kale oo Afku u duubanyahay kuwaas oo qaab ahaan u eg Al-Shabaab sida ay sheegayaan dadka degmadaas.

Allidamaale