Dahabshiil Iyo Salaam Bank, Oo bixiyay Lacagtii lagu ridey Raisal-Wasaaraha.

Posted Date: 09 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaa soo Shaac-baxaya Warar lagu kalsoon yahay kuwaa soo sheegaya cida bixisey Lacagtii Malaayiinta aheyd ee lagu ridey Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh. Lacagtan oo gaareysay 5-Million oo Dollar ayay kala bixiyeen Xawaalada Dahabshiil Iyo Salaam Bank. Masuul Magaciisa qariyay ayaa sheegey in Lacagtan uu Madaxweynuhu Amar ku bixiyay in lagu Taageero si Xukuumada Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh Meesha looga saaro.

Lacagtan ayaa loo Adeegsadey Laaluushkii loo qeybiyay Xildhibaanada Iyo Lacagtii Diyaarahada Nairobi looga soo qaadey. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Xildhibaan walba la dul dhigey Lacag gaareysa 20,000 Dollar. Waana sababta keentey in Xildhibaano badan Jeebkooda lala hadley. Isku soo wada Duub Labada Shirkadood ee kala ah Dahabshiil Iyo Salaam bank ayaa markii ugu horeysay ka wada qeyb qaatay Dagaal-Siyaasadeed Isla-markaana isku Mowqif ka noqdey Dagaalkii ka dhanka ahaa Raisal-Wasaaraha Somalia Abdiwali Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7