Wargalin: Dalalka reer Galbeedka oo ay ka bilaabatay cadawtinmo Islaam iyo Somalida oo Targed ah.

Posted Date: 26 Jul 2016   in: Maqaalo,news,World     Comments Comments

Dalalka Reer Galbeedka uguna sii daran wadamada Reer Yurub oo ay ka bilaabatay Cadawtinimo looqabo dadka Islamka ah iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkasi oo Targadka Koowaad ah Hase yeeshee si weyn ukala daadsan oo aad u dayacan,

Kooxo aad ugu fogaaday Naceybka dadka Islamka ah oo ka dilaacay dalalka Reer Yurub iyo dadka Soomaaliyeed oo aad ugu nugul uguna sahlan in la ugaarsado maadaama ay meelkasta ka muuqdaan xiliyo aan munsaab aheyn oo u badan Galbihii iyo Habeenkii oo lagu weerari karo meelaha ay socdaan amase Daganyihiin.

Saacado aan Munaasib aheyn ayaad arkeysaa Gabdho, iyo Wiliil, mararka qaarna Hooyooyin Tareemada amase Basaska Saaran, ayagoon marnaba taxadar iyo Baqdin ka qabin Naceynka kardhaafay, waxaadna mararka qaar arkeysaa Gabar la weeraray oo la isugu tagay oo ooyeesa, amaba wiil dhaliyaro ah oo dhawaacyo loo geystay.

Kadib markii tiro dhowrgoor ah weeraro iyo Qaraxyo lagu qaaday Shacabka Reer Yurub ayaa waxaa biloowday in Siyaasiyiin iyo dad Magac ku leh Qaarada Yurub ay Taleefishinda iyo Saxaafadaha dalalkaasi ka baahiyiin hadalo kicin dadweyne ah iyo Naceyb ay u muujinayaan dadka Islaamka ah ee dalalkaasi Qoxootiga ku jooga, dadka Soomlaiyeedna waaba kuwa markasta Tusaalaha Neceybka loosoo qaato.

Markii Islaam laga hadlayana waa dadka kaliya ee muuqda amse ishu qabaneyso, maadaama Labiskoodu yahay mid ka duwan umadaha kale.

Hadaba hadii aysan Jaaliyadaha Soomaaliyeed is uruurin, iskana warqabin oo aysan la socon xaaladaha soo kordhaya ee Naceybka ku saleysan waxaa xaqiiqo ah in Dhib intaas ka weyn dhici karto.

Ugu danbeytii waxaa loo baahanyahay in Wacyi galin iyo digniino ay dadka waxgaradka ah usoo jeediyaan Umada Soomaaliyeed ee meelkasta daadsan, isla markaana u nugul weerarada ka imaanaya dadka Islaamka Naceyb.

 

Allidamaale