Deg deg: Khatar halis oo kusoo wajahan Puntland

Posted Date: 14 Feb 2015   in: Maqaalo,news,Puntland     Comments Comments

Sida aad uga barateen Warbaahinta caalamiga ee allidamaale.com in had iyo goor bulshada Soomaaliyeed usoo bandhigo xaqiiqooyinka qarsoon iyo khataraha kusoo fooleh umada, ayaa maantana uu idinsoo bandhigayaa Xog Xasaasi oo aan ka helnay ila wareedyo qarsoon oo warkoodu suganyahay.

Ganacsade lagu magacaabo Guuleed Cali Samatar oo ku nool magaalooyinka Dubey iyo Muqdisho ayaa 04-02-2015 kalasoo dagay dakada Muqdisho Hub isugu jira Qaraxyo iyo qalab Milatari oo kala duwan, isla markaana ku wareejiiyay Siyaasiyiin gacan saar la leh kooxaha Al- Shabaab.

Ilo Wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Hubkaasi loosoo raray dhinaca Gobolada dhexe ee Somaaliya, isla markaana ay ku wajahan yihiin deegaanada Puntland.

Hubkaan ayaa lagu wadaa in qarsoodi loo soo galiyo deegaanada Puntland, halkaasina ay kula wareegaan kooxaha Al-Shabaab si ay ugu wax yeeleeyaan shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland,uguna dhibaateeyaan nabadgalyada deegaanada Puntland.

Mahan markii koowaad ee Hub ceynkaan oo kala ah uu kasoo dago dakada Muqdisho, waxaa lawada ogsoon yahay in 26-October-2014 iyo 17-December-2014 ay hub noocaan oo kale ah kasoo dageen dekada Muqdisho inkastoo qaar ka mid ah lagu qabtay dekada hadan waxaa jiray Hub fara badan oo ka baxay dakada.

Allidamaale