Deg Deg: Waxaa soo baxaya Odayaal iyo shaqsiyaad u istaagay marin Habaabinta Baaritaanka kiiska Caasho Ilyaas

Posted Date: 27 Feb 2019   in: Uncategorized     0 Comments

Sida warat hoose aan ku helnay Waxaa soo baxayaa warar sheegaya in jiraan dad u istaagay inay Marin habaabiyaan ama wadada saxda ah ka leexiyaan baarista socota ee kiiskii Allaha u naxariistee Caasho Ilyaas Aadan.

Dadka noocaas ah waxay Baraha Bulshada soo dhigayaan sawiro dad ay leeyihiin waa dambiilayaashii dilay Caasho, waxaa sii Faafinaya dad aan xogtaas war u heyn.

Baaristii way socotaa, dhawr qof oo tuhmanayaal ah oo la hayo na baaris baa ku socota, ogaalkayga Guddi khubaro caafimaad oo meelo kale duwan laga keenay iyo Ciidamada Psf ayaa baaris Dhan walba ah iska kaashanaya fadlan yeynaan docfaruur iyo buuq ku furin baarista socotaa.

Haddii aad tahay qof Caasho u hiilinaya Fadlan Dadka baarista gacanta kula jiraa u daaya waxan Hubaa inay soo bandhigi doonaan xog cad oo oranaysa waa hebel iyo hebel oo reer hebel ah dadka Caasho dilay.

Midakale Waxaa lagu war galinyaa dhamaan Jaaliyadaha Somaliyeed gaar ahaan Puntland in u istaagaan ka taageerida Qoyska Caasho Ilyaas Aadan dhinaca dhaqaalaha si ay isaga celiyaan Odayaasha ka shaqeynaya in dhaqaale lagu siidaayo gacan ku dhiiglayaasha saqiirka Sida arxandarada oo foosha xun u dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7