Dhagayso:- Afhayeenka Puntland oo Faah faahiyay Guulihii Dowladda Puntland Sanadkii 2015

Posted Date: 02 Jan 2016   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

Afhayeenka dowladda Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel ayaa si faah faahsan ugaga hadlay Guulihii wax ku oolka ahaa ee ay dowladda Puntland ka gaartay sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2015 arimaha dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Amniga dalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Horumarka Puntland ay gaartay sanadkii hore uu yahay mid siweyn uga muuqanaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Boosaaso oo yeelatay garoon diyaaradeed kii ugu weynaa Geeska Africa, Garowe oo laga dhagax dhigay Garoon diyaradeed weyn oo casri ah, Gaalkacyo oo isbedel weyn laga muujiyay Wadooyinka iyo heykalka Dowlad nimo, iyo wadooyinka waaweyn ee ay ku naaloonayaan caasimadaha gobolada Karkaar, Bari, Nugaal iyo Mudug.

Bossaso port Project Plan

Bossaso port Project Plan

“Dowladdu waxay bilowday oo ku guuleysatay sanadkii tagay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso, waxa ku xiga oo ay dowladu dhagax dhigtay Garoonka weyn ee diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaa ku xiga oo ay dowladu bixisay Qandaraaskiisii dhismaha Dekedda Weyn ee magaalada Boosaaso lana bilaabi doono horaanta sanadka cusub” Afhayeenka ayaa dhanka dhaqaalaha ku faah faahiyay sidaas.

airport

Bilowgii Airport-ka Bosaso

Waxaa kale oo uu ku daray in sidoo kale dowladdu dhagax dhigtay oo haatan ay sugeyso in qalabkii uu u soo dego dhismaha wadadda CeelDaahir Ceeri Gaabo dhowaanna ay bilaaban doonto.

Waxa kale oo uu shaaciyay in bisha labaad ee Sanadkan ay si toos ah u bilaabmi doonto dhismaha wadada kale ee isku xirta Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo taas oo dowladdu ay haatan ku howlantahay in la sixiixo.

Afhayeen Quraan jecel ayaa intaasi ku daray in dowladdu xooga saartay ka shaqeynta iyo dhismaha wadooyinka waaweyn ee haatan ay ku naalooneyso Caasimadda Puntland ee Garoowe, iyo kuwa Magaalooyinka kale ee Puntland Sida Qardho iyo Gaalkacyo.

Xarig jarka mid ka mid ah Wadooyinka

Xarig jarka mid ka mid ah Wadooyinka

“Shacabka Puntland waxay u noqotay Dhiiragelin siyaasadii dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland taas oo aheyd in shacabka Puntland ay isku tashadaan, dhaxalsiisayna horumarka ay haatan ku jirto magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale ee dalka” sidaasi markale waxaa sheegay Afhayeenka dolwadda Puntland.

Goobihii Dowliga ahaa ee ay shacabka ka bexeen

Goobihii Dowliga ahaa ee ay shacabka ka bexeen

Afhayeenka ayaa taabtay dhinacyada siyaasadda Dowladda Puntland u hirgalay, isagoo sheegay in Dowladdu kalin weyn oo siyaasadeed ka qaadatay madasha ka fekerka mustaqbalka Soomaaliyeed, Hiigsiga 2016, iyo siyaasadda gudaha ee Puntland oo ay ku guuleysatay isku keenka iyo ka shaqeynta midnimada Puntland.

“Dowladda Putnland waxay ku guuleysatay Sanadkii tagay arimo siyaasadeed badan oo guulo wax ku ool ahna ay ka soo hoysay, waxaa ka mid ah qabashadii shirkii isu soo celinta beelaha iyo shaqeynta nabadda Puntland ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Allidamaale