Dhagayso+Sawiro:- Barlamaanka Puntland oo Ansixiyeey Golaha Wasiirada Puntland ee Cusub

Posted Date: 10 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa Goordhow Ansaxiyay Golaha Wasiirada Cusub uu dhawaan Soo Magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland waxaa xarunta Xaadir ku ahaa Golaha wasiirada ee cusub oo tiradoodu ay gaarayso 53 mudane oo ay 4 dumar yihiin , ansixinta Golaha waxaa ka maqan saddex wasiir oo ku maqan dalka dibediisa waxaa wasiirada aan Dalka joogin Ansaxintana kamaqan kamid ah Wasiirada Qorsheynta iyo Haweenka.

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xubnaha golaha wasiiradda Puntland oo ka kooban 53 wasiir, isla markaasna u badan wasiiraddii ay codka kalsoonida kala noqdeen bishii lasoo dhaafay Baarlamnka Puntland .

Fadhiga Baarlmanka Puntland waxaa soo Xaadiray 64 mudane waxaa Golaha Wasiirada Cod Gacntaag ah ku ansaxiyay 6i Xildhibaan halka ay ka amuseen 2 Xildhibaan .sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland .

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa anxasinta kadib waxa uu mahadcelin ujeediyay Baarlamanka Dowlada Puntland sidoo kalna la dardaarmay xubnaha golaha Wasiiradda cusub ay maanta ansaxiyeen Baarlamnka Puntland.

Allidamaale