Dhagayso:- Dhismayaasha Golayaasha Degaanka Puntland oo Meel wanaagsan Maraya

Posted Date: 19 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasaarada arimaha gudaha dawlada Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga ee dawlada Puntland ayaa sheegtay inay meel wanaagsan wax u marayaan dhanka Dhismayaasha golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Puntland C/laahi Xaashi (Qoobdeero) oo warbaahinta waraysi siiyey ayaa sheegay inay wadaan dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka Caluula iyo Bareedo oo kala tirsan Bari iyo Gardafuu.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inay sidoo kale ku hawlanyihiin dhismaha Golaha deegaanka ee degmooyinka Gundax iyo Xaafoon oo dhamaan loo samaynayo Gole deegaan.

Allidamaale