Dhagayso:- Ex Xildhibaan Cabdi barre’ Xildhibaano aan keenin Mooshin waxaa lagu tilmaami karaan xildhibaano aan jirin

Posted Date: 16 Jul 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Cabdibare Yuusuf Jibriil oo horay ugu mid ahaa Barlamaan 9 aad ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadalay Wararka ku aada Mooshin la sheegay in ay wadaan xildhibaano katirsan Baarlamanka 10 aad Soomaaliya .

Ex Xildhibaan Cabdi Barre ayaa waxa uu sheegay hadii aysan Xildhibaanada Keenin Mooshin ka dhan ah Xukumada in ay san ahayn Xildhibaano jira madaama Mooshinka uu Qayb kayahay la xisaabtanka Madaxda Sare Dowladana sida uu sheegay Cabdi Barre Yuusuf.

Siyaasi Cabdibarre Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in xildhibaano aan la xisaabtamin Madaxweynaha R/wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada aan lagu tilmaamikarin Barlamaan Soomaaliyeed oo u adeegaya Shacabkooda.

waxa uu sheegay Mooshinka in uu yahay la xisaabtan la Xisaabtamayo Hay’adaha Dowlada Marka Shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegayaa Markii ay maqalaan Mooshin in aysan dhaga Tagaanin .

Allidamaale