Dhagayso:- Gal-Mudug oo qabatay Gaari siday Waxyaabaha qarxa iyo 2 Labo Nin

Posted Date: 19 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia,Uncategorized     Comments Comments

Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Galmudug ayaa Gobolka Galgaduud ku qabtay Gaari siday Waxyaabaha Qarxa iyo 2 Nin oo la socday.

Hawlgal ay Ciidanka Nabad Sugida Galmudug Sameeyeen ayaa waxa ay kusoo qabteen Gaari Caasi ah oo ay ku rarnaayeen Waxyaabaha Qarxa,Gaariga ayaa laga soo qabtay inta u dhaxaysa Degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in Waxyaabaha Qarxa laga keenay deegaanka Gal-hareeri,Waxayna intaa ku dareen in markii hore lagu soo qaaday Gaari Kaarib ah kaasoo duleedka deegaanka Godinlabe markii uu keenay Waxyaabaha Qarxa ku wareejiyey Gaarigan Caasiga ah ee la qabtay.

Allidamaale