Dhagayso:- Gen Siciid dheere oo damiciisa siyaasadeed fah faahiyeey

Posted Date: 29 Oct 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Sarreeye guud Siciid Dheere ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku faahfaahiyay damaciisa siyaasadeed ee ku aaddan qabashada xilka madaxweynaha Puntland iyo waxyaabaha ku dhaliyay in uu u tartamo xilkaasi.

“Markaan arkay,sarreyntii sharciga oo hoos u dhacday, markaan arkay dhaqaalaha dalka meesha uu marayo,markaan arkay amniga dalku meesha uu marayo,markaan arkay cadowga Puntland oo daafaha dalka ka soo fidaya,waxaan go’aansaday in aan shacabka Puntland u caddeeyo in aan ahay musharrax jagada madaxweynanimada Puntland”ayuu yiri Siciid Dheere.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu fahamsanyahay baahida shacabka Puntland haatan u qabaan hoggaamiye ku maamula midnimo,caddaalad iyo sinnaan,islamarkaana soo celin kara,sarreyntii sharciga iyo sugidda amniga degaannada Puntland.

“Waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntland midnimo,caddaalad iyo sinnaan” ayuu raaciyay Generaalka oo shaacinayay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7