Dhagayso:- Issimadda Puntland oo ka hadlay Xaladda Gobalka Sool

Posted Date: 08 Aug 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Mid kamid ah Isimada Puntland gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay warar ka soo yeeray Soomaaliland oo ku aadanaa in Puntland iyo Soomaaliland ay heshiis ka gaareen colaada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Isimada ayaa gaashaanka u daruuray wada xaajood kasta oo dhexmara Puntland iyo Soomaaliland inta ciidamada maamulka Soomaaliland ay ku sugan yihiin gudaha Puntland gaar ahaan deegaamada ay gacanta ku hayaan ee gobolka Sool.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah garaadka ugu da’da weyn beelaha Dhulbahante ayaa waxa uu si kulul uga hadlay qarixii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn oo uu ku eedeeyey maamulka Hargaysa, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii dadkooda ku waayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale