Dhagayso:- Maamulaha Allidamaale Kaalin intee la Eg ayuu kulaha Samaynta Calanka Qurxoon ee Puntland

Posted Date: 05 Feb 2016   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

Maamulaha Guud ee shabakadda Wararka Xaqiiqada ah ee Allidaamale Mudane Xasan Cubayd ayaa Kaalin Muhiim ah kulaha Naqshadab iyo Alifida calanka Puntland ee quruxda Badan.

Xildhibaan Cabdi Bare Jabriil ayaa sheegay in Xasan Cubayd oo ah maamulaha Guud ee Wepka Allidamaale uu lahaa Maskaxda naqashadda Calanka Quruxda Badan ee Puntland.

Cabdi bare ayaa sheegay in uu mudanyahay Mudane Xasan Cubayd in dowladda Puntland ay gudoonsiiso Shaahado sharaf Caalami ah oo lagu farax galiyo.

Xasan Cubayd Waa Muwaadin Puntlander ah kana soo jeda Dhulka Uduga ee Puntland ayaa ah muwaadin kashaqeyeeya danta Guud ee shacabka Puntland ,isagoo keenay alifayna Calanka Dowladda Puntland.

Muwaadinkan ayaa Mudan shacabka Puntland inay gudoonsiyaan Abaalmarino qaali ah oo ku saabsan wakhtiga uu galiyeey Alifitaanka Calanka Dowladda Puntland.

Hoos kadhagayso codka Xildhibaanka

Maamulaha Shabakadda Wararka Allidamaale Mudane Xasan Cubayd image-7f0564f260b24abbcc7dec89d313c10157e9077c11938e49d2c682ed9fbbba02-V

Allidamaale