Dhagayso:- Maamulka Somaliland oo Puntland ku Amaantay Soo dhaweynta Dadka Reer Guuraga ah

Posted Date: 19 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maamulka Soomaaliland ayaa hanbalyo iyo Bogaadin u soo jeediyey Puntland kadib markii dhawaan ay si wanaagsan ugu Marti galiyeen gobolka Bari dad xoolo dhaqato ah oo ka yimid gudaha Soomaaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamid ah wafdi ka socda xukuumada Soomaaliland oo gobalka Sool booqasho ku yimid ayaa sheegay inay muhiimadu tahay sidii abaarta jirta gacmaha laysugu qabsan lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu xusay in shacabka laga doonayo gurmad deg deg ah iyo inay gadiidkoodu ku deeqaan shidaalkana loogu shubayo gawaarida si biyo iyo raashin loo gaarsiiyo dadka abaartu ugu dhimanaya dhulka miyiga ah.

Ugu danbayn wasiirka Maxamuud ayaa Puntland ka codsaday inay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa dadka reer guuraaga ah ee ka soo jeeda Soomaaliland.

Allidamaale