Dhagayso:-Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Galmudug ugu baaqay inay Nabad Gaalkacyo si Dhab ah looga wadda shaqeeyo.

Posted Date: 17 Jul 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo kusugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay arimaha amaanka Gobalka Mudug Gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Camey ayaa waxa uu sheegay in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin Nabadgalyo dhab ah iyo sidii Nabadgalo loogu wada Noolaan lahaa .

Camey ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu lahadlay dhigiisa Galmudug islamarkaana Gaalkacyo ay soo gaaridoonaan isaga iyo wagdi la socda hadii ay wada kulmaan ay kawada hadli doonaan waxyaabaha kalifaya xili kasta in ay timaado Nabadgalyo Xumada .

Dhanka kale Madaxweyne Camey ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda Galmudug in ay u soo diyaar garoobaan Nabadgalyo dhab ah oo looga hadlayo arimaha Nabadgalyada magalada Gaalkacayo.

Halka Madaxweyne Camey ayaa waxa uu ku soo Beegmayaan Xili dhawaan labo qof oo shacab lagu dilay Duleedka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo Xili ay wateen gaari yar waxaana labadaasi Qof ee shacabka ah dil Naxariis dara ah u geestay Maleeshiyaad Tiradooda lagu sheegay 12 qof oo ka soo talaabay dhinaca Galmudug .

Allidamaale