Dhagayso:- Madaxweyne Farmaajo oo Si Kulul uga hadlay Siyaasiyiin Mucaaradsan Dowladiisa

Posted Date: 12 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo hadal qaaday waxaa kamid ah mucaaradka dowladda oo uu sheegay in aysan ahayn hadda mid bilaabatay ee ay jireen dowladdii isaga ka horreysay ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in raga hadda isaga mucaarada dowladdiisa qaarkood ay Afar sano ka hor markii lasoo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh lasoo hadleen,una sheegeen in dowladda la mucaaradayo isna uu kasoo qeybgalo,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxcaan caawa idiin la wadaagayaa arrin sir ah, waxa aad hadda arkaysaan Afar sano kahor waa ay jirtay, dowladdan tii ka horreysay iyadoo 6-bil jirto ayaa la ila soo hadlay oo la i yiri waa la mucaaradayaa dowladdaas ee kasoo qeybgal, oo waxaan ku iri dowladdan Lix bil ayeey jirtaaye maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa, dadka howshaan hadda ku jiro qaarkood markaas waa ay ku jireen, waxaan kula taliyey oo ilaahay hortiisa ah oo aan ku iri dowladda waqti hala siiyo, sanado hala siiyo..lugaha iyo tafaha yaan la qaban dowladda” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay kulan loogu magac daray nabadeynta degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Allidamaale