Dhagayso:- Madaxweyne Gaas ” Shacabka Puntland Difaac ha u diyaar Garoobaan

Posted Date: 10 Jan 2018   in: Arrimaha bulshada,news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa Xalay shir jaraa’id ku qabtay Qasriga madaxdtooyada Puntland ee magaalada, shirkaas jaraa’id oo madaxweynuhu uga hadlay arrimo door ah oo la xiriira qaddiyadda duulaan ee ciidamada Somaliland shalay ku soo qaadeen deegaanno Puntland ay maamusho, kuna qabsadeen degmada Tukaraq oo uu yaallay Kastamkii canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland iyo koontaroolkii amniba.

Madaxweyne Gaas ayaa shirkiisaas jaraa’id ee caawa ku sheegay tallaabadaasi in ay ahayd duulaan qaawan iyo daandaansi Puntland uga yimid dhanka Somaliland, isla markaasna dawladda Puntland ay jawaab cad ka bixinayso, isagoo beesha caalamka iyo waddamada dariskaba u sheegay in ay la socdaal daandaansigaasi iyo duulaanka Somaliland wixii ka yimaada in ay masuul ka tahay Somaliland oo sida uu sheegay ku soo xad-gudubtay Puntland, waxaana hadalkiisii uu ahaa sidaan.

Allidamaale