Dhagayso:-Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo riday Xukun Dil Toogasha ah

Posted Date: 18 May 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil ah waxa ay ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa inuu ka danbeeyay Qaraxii 26-kii November 2016. ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir .

Xeer ilaalinta Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ninkaan cadeeymo Badan kadib uu qirtay danbiga lagu soo eedeeyay waxaana dilkiisa Toogasho maanta uu ka dhacay Xarunta Iskool buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

Xukunka Dilka ee lagu fuliyay C/qaadir Cabdi Xasan waxaa ku dhawaaqay Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Dhame Muumin Xuseen C/laahi

Allidamaale