Dhagayso:- Mukhtaar Roobow oo dhiigisa ugu deeqay shacabka Somaliyeed

Posted Date: 16 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Manuus ayaa ka mid noqday dadka dhiiggooda ku deeqay dhibbanayaasha ay waxyeellada ka soo gaartay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Abuu Mansuur waxaa uu booqday Xarunta Gurmadka Qaran ee Hargaha iyo Saamaha,halkaas oo howlaha gurmadka ah ee Ehellada Raadinaya dadkooda isku xirkoodu ka socdo.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna shalay shubayay dhiiggooda,waxaana sidoo kale Dadweynaha Soomaaliyeed ay iyana ka qeyb qaadanayeen dhiig bixinta.

Muqdisho waxaa wali ka socda gurmadka loo sameynayo dadka dhaawacyada ah,waxaa sidoo kale Maanta Dalka Turkiga loo qaaday 40 Qof oo ka mid ah dhaawacyada ugu adag ee ay sababeen Qaraxa.

Allidamaale